3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 27, 2018
Marekanka oo ku eedeyay dalka Shiinaha faragalinta doorashada Congress-ka

Khamiis, September, 27, 2018 (HOL) –Madaxweynaha Marekanka, Donald Trump ayaa ku eedeyay dalka Shiinaha inuu dadaal ku bixinayo doorashada Congresska ee dhacaysa bisha November inuu ku guul-daraysto xisbiga uu ka tirsanyahay ee Jamhuurigu.

Trump, ayaa ka sheegay shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay xukuumadda Shiinaha inay faragalineyso doorashada Congresska, arrinta oo u ku sheegay inaysan wax dulqaad ah u muujin doonin.

"Waxay doonayaan inan guul-daraysano." ayuu yiri Trump oo sheegay waxa uu Shiinaha ka helayo guul darrada xisbigiisa inay tahay si uu isku dhimo caddaadis uu ku hayo ganacsiga Shiinaha.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Shiinaha, Wang Yi ayaa diiday eedaynta madaxweynaha Marekanka , wuxuuna sheegay inuu caddeynayo Shiinaha in uusan faragalinin siyaadaha gudaha ee dalalka adduunka midkuu doonaba ha noqdee.

Xiriirka labada dal ma wanagsaneyn mudooyinkii dambe tan iyo markii uu Trump ku dhawaaqay in uu canshuur cusub oo gaaraysa $200bn ku soo rogayo  alaabaha Shiinaha uu u soo dhoofiyo.Canshuurahan ayaa waxaa laga qaadi doonaa ku dhawaad 6,000 oo shay, taasna waxa ay ka dhigaysaa canshuurihii ugu badnaa ee uu Mareykanku soo rogo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]
















Click here
9/27/2018 1:55 PM EST
Khamiis, September, 27, 2018 (HOL)–Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa shaacisay in ay la wareegtay 24 Iskuul oo ku yaalla Muqdisho laguna bixinayo waxbarasho lacag la’aan ah.

9/27/2018 1:47 PM EST
Khamiis, September, 27, 2018 (HOL)– Midowga Yurub ayaa ansixiyay howlgalkiisii ugu horeeyay ee taageerada miisaaniyadeed ee ku siinayo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Yaboohan ayaa wadar ahaan Marka la isku daro gaaraya 100 milyan oo euros oo laga dhigi doono sedexda bilood ee ugu dambaysa ee sanadka 2018 ilaa 2021, taageeradan miisaaniyadeed ayaa la marin doonaa Dowladda Federaalka iyadoo la adeegsanayo nidaamka dowliga ah.

9/27/2018 10:21 AM EST
Khamiis, September, 27, 2018 (HOL)– Munaasabad loo sameeyey arday gaadhaysa 130 dhamaysatay Jaamacada GOLIS ayaa ka dhacday magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

9/27/2018 10:09 AM EST
Khamiis, September, 27, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa oo maanta khudbad ka jeedinayay munaasabad loo qabtay daah furka dib –u-habeynta waxbarashada, ayaa weerar Afka ah ku qaaday madaxda dowlad gobolleedyada iyo siyaasiyiinta ka soo horjeeda dowladda.

9/27/2018 9:31 AM EST
Khamiis, September, 27, 2018 (HOL) –Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya,Cabdiraxmaan Ducaale Bayle wuxuu sheegay dabal lugu sameeyay deymaha lugu leeyahay Soomaaliya inay ku ogaadeen hal bilyan oo doollar inaan la heyn ciddii saxiixday iyo sida ay ku timid.

9/27/2018 9:02 AM EST
Khamiis, September, 27, 2018 (HOL) –Madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay munaasabadda daahfurka barnaamijka dib u habaynta Waxbarashada Dadaweynaha ayaa sheegay in ay ka go’an tahay dowladda in dib loo xoojiyo nidaamkii waxbarasho ee lacag la’aanta ahaa ee ka jiray dalka.

9/27/2018 5:49 AM EST
Khamiis, September, 27, 2018 (HOL) –Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa soo saartay xeer heer wasiir ah oo wax ka badalaya shuruucda gaadiidka, kaas oo ka kooban 24 qodob ayaa waxaa ku dhaqmi doona gaadiidleeyda inta laga soo saarayo sharciyadii uu hore u lahaa gaadiidka dalka.

9/27/2018 4:51 AM EST
Khamiis, September, 27, 2018 (HOL) –Midowga Yurub ayaa dhawaan deeq ahaan u siinaya dowladda Soomaaliya 100 milyan oo Euro, waa lacagtii u horreeysay oo ururka uu siinayo dal deymo lugu leeyahay,sida u xaqiijiyay wasiirka maaliyadda Soomaaliya.

9/27/2018 3:55 AM EST
Khamiis, September, 27, 2018 (HOL) –Guddiga difaaca ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah u yeeray wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidamada militariga inay horyimaadaan golaha , si su’aalo looga waydiiyo dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee dilal ee magaalada Muqdisho oo ay gaysteen ciidamadda dowladda.

9/27/2018 2:44 AM EST
Khamiis, September, 27, 2018 (HOL) –Xukuumadda Kosovo ee Koonfur-bari Yurub ayaa sheegtay inay diyaar u tahay xiriir diblomaasiyadeed oo ay la yeelato Soomaaliya.

9/27/2018 2:17 AM EST
Khamiis, September, 27, 2018 (HOL) – Sida ay xaqiijinayaan goob joogayaal rag ku hubeysnaa bastoolado ayaa subaxnimadii hore ee saakay toogasho ku dilay wiil dhalinyaro ah oo xiligaa ku sugnaa goob laga qaxweeyo oo ku taala degmada Warta Nabada Ex Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

9/27/2018 2:08 AM EST
Khamiis, September, 27, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafa Maxamed Cumar Cagjar ayaa bartiisa facebooka ku qoray in xukuumadiisa ay u qorsheysan tahay inay soo celiso dhul ay sheegtay in si sharci daro ah loo qaatay.

9/27/2018 2:00 AM EST
Khamiis, September, 27, 2018 (HOL)–Dadka reer Muqdisho ayaa saakay ku soo toosay iyadoo ay gabi ahaanba xiran yihiin qeybo ka mid ah jidadka ugu muhiimsan isku socodka dadweynaha ee magaalada Muqdisho.

9/27/2018 1:57 AM EST
Khamiis, September, 27, 2018 (HOL) -Hoggaamiyayaasha waddamada Marekanka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa qorsheynaya kulan kale, oo dhaca ka hor dhammaadka sannadkan.

9/27/2018 1:30 AM EST
Khamiis, September, 27, 2018 (HOL) -Wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland Mudane C/rashiid Xasan C/nuur oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada ku dhaqan degmada Baladxaawo..