4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 27, 2018
Wiil dhalinyaro ah oo saakay lagu dilay degmada Warta Nabada ee magaalada Muqdisho

 

Khamiis, September, 27, 2018 (HOL) – Sida ay xaqiijinayaan goob joogayaal rag ku hubeysnaa bastoolado ayaa subaxnimadii hore ee saakay toogasho ku dilay wiil dhalinyaro ah oo xiligaa ku sugnaa goob laga qaxweeyo oo ku taala degmada Warta Nabada Ex Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

Lama oga sababta loo dilay wiilkan oo sida la sheegay ka mid ahaa dhalinyarada degmada, xiligaa la dilayay-na ku sugnaa goobta aan ka fogeyn xaafaddiisa oo uu ku shaaheynayay.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo goobta dilka ka dhacay gaaray ayaan u suurta-gelin in ay soo qabtaan kooxdii dilka geysatay oo xilli hore baxsaday.

Magaalada Muqdisho maalmihii ugu danbeeyay waxaa siweyn ugu soo badanayay dilalka lagula kacayo dadka rayidka oo ay geysanayaan kooxo aan la garaneynin, gaar ahaan dhalinyarada ayaad moodaa in hadda dilalka ugu badan ay ku dhacayaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]