4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 27, 2018
Trump oo qorsheynaya la kulanka hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi

Khamiis, September, 27, 2018 (HOL) -Hoggaamiyayaasha waddamada Marekanka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa qorsheynaya kulan kale, oo dhaca ka hor dhammaadka sannadkan.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Marekanka, Mike Pompeo ayaa sheegay inuu isugu wado howsha qorshaha kulan ay mar kale yeeshan Donald Trump iyo Kim Jong-un kaas oo laga yaabo inuu dhaco ka dib bisha October.

Mike Pompeo , ayaa maanta  ka hor hadli doona Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay , khudbadiisa wuxuu diiradda ku saari doona arrimo la xiriira baabi’inta  hubka nuclearka ee Kuuriyada  Woqooyi.

Madaxweynaha Marekanka oo shir jaraa'id ku qabtay New York ayaa dhankiisa wuxuu diiday inuu ka hadlo xilli go’an oo Kuuriyada Woqooyi ay hubkeeda nuclearka ku baabi’inayso.

Wixii ka dambeeyay kulankii ay labadan hoggaamiye ku yeesheen Singapore waxaa socday dadaallo lagu sii xoojinayay heshiiskii ay gaareen.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]