4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 27, 2018
Wasiirka Amniga Jubbaland: Beesha Caalamka ma dabooli karto baahida na heysata



Khamiis, September, 27, 2018 (HOL) -Wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland Mduane C/rashiid Xasan C/nuur oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada ku dhaqan degmada Baladxaawo ayaa ka hadlay xaaladda dalka iyo khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhexgalay madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Wasiirka ayaa ugu baaqay dowladda iyo dowlad goboleedyada in ay ka shaqeeyaan sidii xal looga gaari lahaa dhibaatooyinka jira, isagoo xusay in dalku marayo marxalad u baahan in la is kaashado.

“Ma ahan in aad dadka ku mashquulisaan hebel baa shaqo qaban waayay, hala badalo iyo wax lamid ah, shaqo adag ayaa inoo taal iyo in cadawga dalka laga xoreeyo,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Waxa uu xusay in loo baahanyahay in xoogga la saaro sidii loo dhisi lahaa ciidamada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ciidamo shisheeye aysan suurogal ahayn in Soomaaliya ay nabad ka dhaliyaan.

Waxa uu yiri; “Soomaliya waxay leedahay wiilal geesiyaal ah oo cadawga meeshuu joogo ugu tagi kara, haddii tababar la siiyo, wixii ay xaqa u lahaayeenna la siiyo,”

Masuulkan ayaa xusay in Beesha caalamka aysan dabooli Karin baahida heysata Soomaaliya, isagoo sheegay in dal walbaa uu dhiso qofka leh, isagana uu nidaam iyo sharci kusoo celin karo.

“Dhalinyarta in la qalabeeyo, dhaqaalaha siyaasadda lagu bixinayo iyaga lagu bixiyo, Haddii aad qabtaan in madax lagu ahaan karo ciidamo shisheeye walaahi madax laguma ahaan karo,” ayuu wasiirku hadalkiisii raaciyay.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya ayadoo uu weli taaganyahay khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Waxaa jiray gudiyo aqalka sare oo aaday dowlad goboleedyada si ay xal ugu raadiyaan khilaafka madaxda dalka, Qaar kamid ah gudiyada ayaa weli ku sugan dowlad goboleedyada dalka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.