4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 26, 2018
Farmaajo " Barnaamijyada ay ansixiyeen Golaha Bangiga Adduunka waxa ay dhiirrigelin u yihiin qorsheyaasha dowladda ay higsanayso

Arbaco, September, 26, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Golaha Maamulka ee Bangiga Adduunka (WBG) iyo Hay’adda lacagta (IMF) sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen dowladda  Soomaaliya iyo gacanta ay ka geysanayaan qorsheyaasha ku saabsan hirgelinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qorshaha iskaashiga wada jirka ah ee Soomaaliya iyo Golaha Bangiga Adduunka (2019-2022) uu ka tarjumayo horumarka xukuumadda Soomaaliya ay ka sameeysay dib-u-habeeynta laamaha maaliyadda, kobcinta dhaqaalaha iyo sare u qaadista ilaha dakhliga dalka.

Wuxuu bogaadiyey dadaallada xukuumadda  Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ay ku bixisay dib u soo celinta kalsoonida beesha Caalamka ee ku aaddan hufnaanta hay’adaha maaliyadda dalka.

"Barnaamijyada ay ansixiyeen Golaha Bangiga Adduunka ee ku saabsan maalgelinta adeegyada asaasiga ah, dhammaystirka dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo kor u qaadista fursadaha shaqo waxa ay dhiirrigelin u yihiin qorsheyaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay higsanayso. "Ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhanka kale faray xukuumadda Soomaaliya  fulinta barnaamijyadaas horumarineed lagu jaan gooyo baahiyaha shacabka, gaar ahaan kobcinta ganacsiga dadka dan yarta ah, kor u qaadista fursadaha waxbarashada, yareynta saboolnimada iyo shaqo la’aanta ka jirta dalka.

Barnaamijka iskaashiga wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka ayaa salka ku haya kor u qaadista dakhliga, dhisidda awoodda dowladaha Hoose, kobcinta adeeggyada asaasiga ah ee bulshada, horumarinta ganacsiga iyo taabbo gelinta maalgashi horseeda in si xawli ah dib loogu dhiso dalka,sida lugu xaqiijiyay war-saxaafadeed goor dhow ka soo baxay xafiiska madaxweyne Farmaajo.

Golaha Bangiga Adduunka ayaa ansixiyay lacagtii ugu badneyd oo ay dowladda Soomaaliya ka helayso muddo ka badan soddon sanno, 80 milyan oo doollar oo bangiga adduunka uu ku taageerrayo Soomaaliya ayaa inta badan diiradda lugu saaraya dib u habaynta maaliyadeed iyo bixinta kharashaadka dowladda gasho.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]