4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 26, 2018
Sergey Lavrov " Ruushka wuxuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Soomaaliya"

Arbaco, September, 26, 2018 (HOL)–Wasiirka arrimaha dibadda dalka Ruushka,Sergey Lavrov  ayaa sheegay dalkiisa inuu diyaar u yahay inuu mar kale si xooggan ula shaqeeyo dowladda Soomaaliya.

Lavrov ayaa magaalada New Yor kulan gaar ah kula qaatay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya,Axmed Ciise Cawad oo halka u jooga ka qaybgalka shir weynaha guud ee Qaramada Midoobay.

"Dowladda Ruushka waxay marwalba diyaar u tahay sii wadista xariirka qotoda dheer ee kala dhexeeya Soomaaliya iyo soo celinta wada shaqeeyn xooggan oo markale dhexmarta Soomaaliya iyo Ruushka." ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Ruushka,Sergey Lavrov .

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay Ruushka inuu yahay saaxib qadiimi ah, muhiimad gaar ahna aysiin doonan sidii mar kale labada dal ay u yeelan lahaayeen xiriir iyo wada shaqeyn xooggan.

Ruushka ayaa  ka mid ahaa dalalkii sida dhow ula shaqeyn jirey Soomaaliya xilligii dowladdii madaxweynihii geeryooday ee Maxamed Siyaad Barre,marka oo u ku taageerri jiray dhismaha milateriga,balse wixii dowladda ka dambeeyay ma jirin wadashaqeyn sida u weyn ee labada dal dhexmartay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]