4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 26, 2018
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka hadlay baaqashada shirka New York ee madaxweyne Farmaajo

Arbaco, September, 26, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sanadkii labaad ka baaqday shir weynaha guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York ka socda.

Illaa hadda ma cadda sababta uu markii labaad shirka uga baaqanayo madaxweyne Farmaajo, waxaana arrintan ay dood ka dhalisay baraha bulshada iyadoo siyaabo kale duwan looga hadlay.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo markii ugu horreeysay ka hadlay sababta uu shirka madaxweynaha uga baaqanayo, wuxuu sheegay in madaxweynaha uu u kala hormariyo howlaha u yaalla sida ay u kala muhiimsan yihiin,taasina ay tahay sababta ugu weyn ee shirka uusan uga qaybgalin.

Balse, waxa ugu weyn ee shirarka ka baajisay madaxweynaha waxaa lugu sheegay inay sabab u tahay maaddaama  madaxweynuhu uu haysto baasaboor Mareykan ah, sidaasi darteedna uu u baaqday.Sharciga dalka Mareykanka ma oggola in qof haysta baasaboorkooda uu dalkaasi tego isagoo adeegsanayo baasaboor dal kale.

''Farmaajo madaxweyne Mareykan ma aha, waa madaxweynaha Soomaaliyeed. Xeel dheerayaasha sheegaaya in labo madaxweyne oo Mareykan aysan hal mar wada joogi karin Mareykanka waa kuwa aan aad u xeeldheereyn, madaxweynuhu waa uu imaan karaa Mareykanka laakiin go'aanka isaga ayaa iska leh, mana haboonna in la yiraahdo maxaad u tagi waysay.'' ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad  oo la hadlay BBC-da.

Madaxweyne Farmaajo , oo ah qofka sida dhabta ah u sheegi kara ka baaqashadiisa shirka sannadkii labaad ma jiro ilaa hadda wax hadal ah oo u ka yiri, sidoo kale xafiiskiisa arrintan war kama soo saarin.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]