4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 26, 2018
Taliyaha booliska Soomaaliya oo wax ka beddelay madaxda amniga Muqdisho

Arbaco, September, 26, 2018 (HOL)–Taliyaha booliska Soomaaliya,S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa taliyeyaal iyo ku-xigeenno u qaabilsan booliska saldhigyo degmooyin ku yaalla Muqdisho iyo qaybo Boolis xilalkii ka qaaday.

Degmooyin ay saameysay wax ka beddelka madaxda amniga, waxaa ka mid ah Huriwaa, Warta nabadda ,Dharkeenley, Waaberi, Xamar jajab, iyo Shibis.

Afhayeenka booliska Soomaaliya, Kornayl Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay wax ka beddelay madaxda amniga Muqdisho inuu yahay go'aan ku yimid markii taliska sare ee booliska uu dareemay inay muhiim tahay in isbeddel la sameeyo.

' Go'aankan waxaa ugu weyn ee ku dhaliyay taliyaha booliska waxay tahay, maaddama falalka amni darro ay ku soo bateen caasimadda , waxaana toddobadyadii u dambeeyay si joogta ah u dhacayay dilal." ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya oo la hadlay Hiiraan Online.

Laakin waxaa diidey isbeddelka lugu sameeyay madaxda amniga inay la xiriirto amni darro muddooyinkii u dambeeyey laga dareemayey Muqdisho ,Afhayeenka booliska oo la hadlay BBC-da.

"Xilligan waa xilli aad loogu baahan yahay in nabadgelyada wax laga qabto, taliyuhuna sidaas ayuu u gartay in isbeddel loo sameeyo. Isbeddel ayaa la rabaa" ayuu sii raaciyey Kornayl Qaasim .

Amniga caasimadda Muqdisho ayaa mar walba ahaa waxa ugu weyn ee horyaalla dowladda dhexe ee federaalka ah,iyadoo wali ay dhacayaan qaraxyo iyo dilal joogta ah, waxaana go'aankan cusub ee taliska booliska uu noqonaya iskudey kale oo lugu raadinayo xasillinta caasimadda Muqdisho.

Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online
[email protected]