4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 26, 2018
Maxkamada ciidamadda Puntland oo dil ku xukuntay eedeysanayaal ka tirsan Daacish iyo Al-Shabaab

Arbaco, September, 26, 2018 (HOL)–Maxkamadda ciidamadda qalabka sida ee shanta gobol  ee Puntland ayaa maanta  dil toogasho  waxa ay ku xukuntay labo nin oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen  al-Shabaab  iyo nin-kale oo ku eedeysnaa ka mid ahaanshaha  ururka Daacish.

Sidoo kale ,Maxkamadda ayaa xukun xabsi daa’in ah  waxa ay ku riday saddex nin oo ku eedaysnaa inay xiriir ay la la hayeen ururka al-Shabaab.

Xasan Laamow Aadan oo 39 jir ah ,kuna eedeysnaa ka mid ahaanshaha  ururka Daacish, Yaasiin Cismaan Cabdi Saalax oo 23 jir ah  iyo Xasan Maxamed Cali Ibraahin oo 26 jir ah oo ku eedeysnaa ka mid ahaanshaha  ururka al-Shabaab ayaa maxkamadda waxay ku xukuntay  dil toogasho.

Maxkamadda ayaa xabsi daa’in ah  waxaa ay ku xukuntay , Xuseen Jeylaani Xasan oo 25 jir ah, Cabdi Cumar Iftiin oo 27 jir ah iyo Bishaar Cismaan Seed oo dhammaantood maxkamadda ay sheegtay inay ku heshay ka mid ahaanshaha  ururka al-Shabaab.

Xeer ilaalinta maxkamadda ayaa sidoo kale baaritaan caafimaad u direy Xasan Maxamed Naadi, si loo hubiyo taam ahaanshaha maskaxdiisa .

Eedeysanayaasha maanta maxkamadda la horkeennay waxaa kalo ka mid ahaa labo xidigle Maxamed Jaamac Saciid oo 41 jir ah oo ka tirsanaa ciidanka Puntland gaar ahaana guuto bari oo dambi dil ah lugu helay, waxaana lugu xukumay shan sanno oo xabsi ah iyo bixinta magta marxuunka gacantiisa ku baxay.

Gabagabadii, maxkamadda ciidamadda qalabka sida ee shanta gobol  ee Puntland ayaa shan sanno oo xabsi ah waxaa ay ku ridey  Xasan Cabdiqaadir Yuusuf ,halka Cabdullaahi Maxamed Axmed oo ka mid ahaa ciidanka dekedda magaalada Boosaaso ay maxkamaddu fasaxdey markii la sheegay in wax dambi ah lugu waayay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]