4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 26, 2018
Muqdisho: Kulankii Baarlamaanka Federaalka oo baaqday

Arbaco, September, 26, 2018 (HOL)–Fadhi uu lahaa golaha shacabka ayaa maanta baaqday,sida ay xaqiijiyeen xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka.

Kulanka maanta ayaa lugu ballan-sanaa sii wadista ka doodista xeer hoosaadka Baarlamaanka, waxaana xildhibaannada xalay lugu wargeliyay inuu jiro kulanka Baarlamaanka maanta oo Arbaco ah.

Waxaa loo sababeeyay baaqashada kulanka Baarlamaanka ee maanta kooram la’aan.Lama oga sababta ay xildhibaanno ku filan inuu buuxsamo kooramka u soo xaadiri waayeen.

Fadhiga oo ah kii 7aad,kalfadhigiisa afaraad ayaa waxaa soo xaadirtey 120 Xildhibaan ,waxaana fadhiga uu furmi karaa marka ay soo xaadiraan 139 mudane ,iyadoo xogheynta golaha aqalka hoose ay fadhiga ka sheegeen in kooran la'aan uu u baaqday kulanka maanta.

Gabagabadii, guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa akhriyay xildhibaannada fasax la'aanka ku maqan oo u digniin u direy,wuxuuse xaqiijiyay inay jiraan xildhibaanno kale oo  fasax ku maqan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]