4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 26, 2018
Wariye u dhashay Kenya oo ku guuleystay abaal marinta BBC ee Komla Dumor

 

Arbaco, September, 26, 2018 (HOL) -BBC ayaa hadda shaaca ka qaadday qofka sannadkan 2018-ka hantay abaal marinta ay bixiso BBC World News ee loogu magac daray Komla Dumor.

Abaal marintan ayaa looga gol leeyahay in lagu ogaado laguna hormariyo dadka ka soo jeeda Africa ee leh xirfadaha cusub ee heerka sare ah.

Waihiga Mwaura, oo ah wariye Kenyan ah oo soo tabiya wararka Telefishinka ayaa sannadkan ku guuleystay.

"Anigoo ka maqan magaalada, oo damaashaadka fasaxa kula jiray xaaskeyga, ayaan xiriirsaday internet-ka hoteelka, waxaan galay ciwaankeyga, waxaana billaabay inaan la sheekeysto qof ka tirsan BBC-da, anigu waxaan filayay in la iga rabo wareysi kale, laakiin wixii xigay ee ay ii sheegeen wuxuu ahaa inaan guuleystay" ayuu yiri.

Waihiga Mwaura, wuxuu warka 9-ka fiidnimo ka aqriyaa Telefishinka laga leeyahay Kenya ee Citizen TV.

Sidoo kale waa saxafi si weyn loo yaqaanno loona qaddariyo oo soo tabiya warar fara badan oo ku saabsan xaaladaha taagan, siyaasadda iyo waliba ciyaaraha.

Abaal marintan ayaa loo aasaasay in lagu sharfo Komla Dumor, oo ahaa wariye u dhashay dalka Ghana oo ay xirfaddiisu ahayd mid qeyrul caadi ah, kaasoo warka ka akhrin jiray Telefishinka BBC World News, wuxuuna si kadis ah u geeriyooday sannadkii 2014-kii, isagoo ay da'diisu ahayd 41 sano.

Garsooreyaasha qiimeynayay dadka abaal marintan la siinayo ayaa eega shaksiyaadka isku tiirsan ee ka shaqeeya Afrika, leh awood iyo xirfad saxafinimo oo laga dheehan karo marka ay hawada ku jiraan, aad ugu xeel dheer habka loo sheego wararka ku saabsan Afrika, isla markaana leh hiigsi dhinaca mustaqbalka ah oo uu ku doonayaan iney xiddig uga noqdaan qaaradda.

Waihiga Mwaura oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: "Komla Dumor wax weyn ayuu ii ahaa. Waa nin aan ka sheekeyneyno qiyaastii saddex ama afar sano ka dib geeridiisa. Xitaa haddii aan wixii uu sameeyay ka sameeyo boqolkiiba toban ama boqolkiiba labaatan ka mid ah, waxaan dareemayaa inaan kaalinteyda ka qaatay horumarinta saxaafadda".

Waihiga ayaa muddo saddex bilood ah joogi doona xarunta dhexe ee BBC ee magaalada London.

Wuxuu sidoo kale u safri doonaa Afrika, si uu sheeko uga soo sameeyo - wuxuuna sheekadaas la wadaagi doonaa qaaradda iyo guud ahaan caalamka, isagoo adeegsanaya barnaamijyada wajiyada badan ee ee BBC News, Sannadkii 4aad ayey abaal marintan socotaa.

Xigasho BBC