4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 26, 2018
Puntland oo raaligalin ka bixisay hadal uu madaxweyne Gaas ka jeediyay magaalada Badhan

 

Arbaco, September, 26, 2018 (HOL)–War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada dowlad gobolleedka Puntland ayaa raaligalin looga bixiyay hadal uu dhawaan madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu ka jeediyay magaalada Bandhan.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in madaxtooyada si buuxda raalin galin uga siineyso shacabka iyo maamulka Koonfur Galbeed hadalkii madaxweyne Gaas oo carro badan ku abuuray siyaasiyiinta ka soo jeeda Koonfur Galbeed.

Hadalka madaxweyne Gaas ayaa isaga oo ka hadlay Shabaabka ka dagaalama deegaannada Puntland waxaa uu yiri sidan ‘’ “Wiil ka yimid Xudur, Diinsoor iyo Buurhakaba, oo kaba dacas ah qaba in uu inta idiin yimaado nagu xukumo dalkayagii, suurtagal ma ahan, caqlina ma ahan, lamana yeeli karo.’’

Baraha bulshada ku wada xiriirto ayaa markii uu soo baxay warkan waxaa dooddo adag isku weydaarsaday xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka soo jeeda labada dhinac Puntland iyo Koonfur Galbeed.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]