3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 26, 2018
Ciidamo Kenyan ah oo qarax lagula eegtay Lamu

 

Arbaco, September, 26, 2018 (HOL) –Wararka ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in ciidamo Kenyaan ah qarax khasaare sababay lagula eegtay deegaan hoostaga magaalada Lamu ee gobolka Waqooyi Bari.

Waxaa jira sida wararku sheegayaan khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray ciidamada qaraxa lala eegtay, iyadoo dhinaca kalana uu bur buray gaariga la bartilmaameesaday.

Al Shabaab oo sheegtay weerarkan waxa ay tilmaameen inay qarax la heleen gaari nuuca Kooyalka loo yaqaan oo marayay wadada xiriirisa Yad iyo Lamu.

Qarax-yada ka dhaca gobolka Waqooyi Bari Kenya ee lala eegto ciidamada Kenya ayaa maalmihi ugu danbeeyayba ahaa kuwo sii kordhayay, iyadoo dhinaca kalana ciidamada Kenya wadaan howlgalo looga hortagayo khatarta uga imaneysa dhinaca Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/26/2018 3:00 PM EST
Arbaco, September, 26, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Golaha Maamulka ee Bangiga Adduunka (WBG) iyo Hay’adda lacagta (IMF) sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen dowladda Soomaaliya iyo gacanta ay ka geysanayaan qorsheyaasha ku saabsan hirgelinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

9/26/2018 1:18 PM EST
Arbaco, September, 26, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa lacagtii ugu badneyd oo deeq ah ka helaysa bangiga adduunka oo hadda sheegay inuu oggaaladay in 80 milyan oo dollarka Marekanka ah uu siiyo Soomaaliya,lacagta waxaa lugu maalgalin doona dib u habaynta maaliyadda Soomaaliya,sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.

9/26/2018 1:14 PM EST
Arbaco, September, 26, 2018 (HOL)–Wasiirka arrimaha dibadda dalka Ruushka,Sergey Lavrov ayaa sheegay dalkiisa inuu diyaar u yahay inuu mar kale si xooggan ula shaqeeyo dowladda Soomaaliya.

9/26/2018 1:11 PM EST
Arbaco, September, 26, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sanadkii labaad ka baaqday shir weynaha guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York ka socda.

9/26/2018 1:04 PM EST
Arbaco, September, 26, 2018 (HOL) -Mashruucaan ayaa loogu talo galay in lagu dhiira geliyo haweenka ka ganacsada dhuxusha si loo yareeyo ka ganacsiga dhuxusha oo keeni karta nabaad guur saameyn ku yelata deegaanka, waxaana badalkii dhuxusha wasaaradda Xanaanad Xoolaha Dhirta iyo Daaqa oo wada arintan ay guddoonsiisay haweenkan Gaas, iyadoo mashruucan lagu bilaabay haweenka ka ganacsada dhuxusha ee degmada Hodan.

9/26/2018 1:01 PM EST
Arbaco, September, 26, 2018 (HOL)–Taliyaha booliska Soomaaliya,S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa taliyeyaal iyo ku-xigeenno u qaabilsan booliska saldhigyo degmooyin ku yaalla Muqdisho iyo qaybo Boolis xilalkii ka qaaday.

9/26/2018 12:57 PM EST
Arbaco, September, 26, 2018 (HOL)–Maxkamadda ciidamadda qalabka sida ee shanta gobol ee Puntland ayaa maanta dil toogasho waxa ay ku xukuntay labo nin oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen al-Shabaab iyo nin-kale oo ku eedeysnaa ka mid ahaanshaha ururka Daacish.

9/26/2018 12:53 PM EST
Arbaco, September, 26, 2018 (HOL)–Fadhi uu lahaa golaha shacabka ayaa maanta baaqday,sida ay xaqiijiyeen xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka.

9/26/2018 10:14 AM EST
Arbaco, September, 26, 2018 (HOL)-Wasiirka Maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka billaha ah ee Guddiga dhaqaalaha (FGC meeting).

9/26/2018 6:23 AM EST
Arbaco, September, 26, 2018 (HOL)–Hogaamiyaha aqlabiyadda Baarlamanka Kenya oo wareeysi gaar ah siiyay Telefishanka Universal ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya iyo Khilaafka.

9/26/2018 5:24 AM EST
Arbaco, September, 26, 2018 (HOL) -BBC ayaa hadda shaaca ka qaadday qofka sannadkan 2018-ka hantay abaal marinta ay bixiso BBC World News ee loogu magac daray Komla Dumor.

9/26/2018 5:00 AM EST
Arbaco, September, 26, 2018 (HOL)–War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada dowlad gobolleedka Puntland ayaa raaligalin looga bixiyay hadal uu dhawaan madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu ka jeediyay magaalada Bandhan.

9/26/2018 1:39 AM EST
Arbaco, September, 26, 2018 (HOL) - Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan bariga dhexe ayaa si adag uga digay xaaladda nabadda ee barige dhexe.

9/26/2018 1:12 AM EST
Arbaco, September, 26, 2018 (HOL)-Shirkan oo ah kii 73aad ahna mid sanadlaa, waxaa Soomaaliya ku matalaya Wasiirka arimaha dibadda Ahmed Eisse Awad iyo Wafdi uu hogaaminayo.