Arbaco, September, 26, 2018 (HOL) - Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u
qaabilsan bariga dhexe ayaa si adag uga digay xaaladda nabadda ee barige dhexe.
Nikolay Mladenov ayaa BBC u sheegay in xiisadda ka taagan dhulka
Falastiiniyiinta ee la haysto ay sare u sii kacaysay muddooyiinkii ugu
dambeeyay.
Mr Mladenov ayaa waxa uu sidoo kale ka digay dagaal cusub oo dhex mara Xamas
iyo Israa’iil.
Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan bariga dhexe Nikolay
Mladenov ayaa sheegay in istaraatijiyada madaxwaynaha Falastiiniyiinta Maxamuud
Cabas, ee ah in la helo dal ay Falastiin leeyihiin ay halis ku jirto.
Waxa uu intaa ku daray in la minjaxaabiyay dadaalka Cabas in wadaxaajood
lagu dhameeyo arrinta Falastiiniyiinta.
Muddooyiinkii ugu dambeeyay ayaa waxa ay Jimca kasta ay dadka
Falastiiniyiinta dhigaan dibadbax ay Israa’iil uga soo horjeedaan.
Maamulka madaxwayne Trump ayaa qaaday tallaabooyiin dhowr ah oo ka
dhanFalastiiniyiinta.
Madaxwayne Trump ayaa ku eedeeyay madaxda Falastiiniyiinta in ay ka dhaga
adeegeen baaqa geedi socodka nabadda ee bariga dhexe.
Talaabooyiinkii waxaa ugu dambeeyay xiritaankii ay Mareykanka albaabada
isugu dhufteen xafiskii ururka Falastiiniyinta PLO ay ku lahaayeen washinton.
Mareykanka ayaa sidoo kale dhaqalihii ka jaray hay’adda caawisa qaxootiga
Flastiiniyiinta.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]