4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 24, 2018
Yariisoow ‘’ Waxaa jira Xildhibaanno doonaya sii deynta dadkii ka danbeeyay dilkii marxuum Axmed Dowlo

 

Isniin, September, 24, 2018 (HOL)– Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yasiiroow oo markii ugu horeysay ka hadlay dhacadadii lagu dilay kaddib-na dabka lagu qabsiiyay marxuum Axmed Mukhtaar {Axmed Dowlo] ayaa sheegay in ay jiraan xildhibaanno iyo mas’uuliyiin u olaleynaya sii deynta kooxdii geysatay falka dilka ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku hanjabay in sida ugu dhaqsiyaha badan cadaallada loo marin doono shaqsiyaadkii geystay falkan dilka ah oo noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee ka dhaca magaalada iyadoo sababta loo dilay marxuumka tahay’ Heeb Sooc ‘’ ka dhashay Laamane is caldamay kuna heshiiyay in ay nolal wadaagaan.

Warar waxaa jira soo baxaya oo sheegaya in ay jiraan xildhibanno iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ku howlan in la sii daayo dadkii ka danbeeyay falka dilka ah oo hadda ku jira gacanta laamaha amniga.

Dhinaca kale mid ka mid ah ehelada marxuumka dhintay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu aad uga xumaaday markii uu maqlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo  ka tacsiyeeynaya geerida dadkii ku dhintay doontii ku degtay dalka Tanzania isaga oo marnaba dhanka kale aan soo hadal qaadin dilka marxuum Axmed Dowlo oo ah kii ugu horeeyay noociisa ee qof loo dilo.

Waxaa ay ehelada ka dalbadeen dowladda Soomaaliya in ay helaan Cadaalad sharcigana ka soo hormuuqdaan dadkii ka danbeeyay falka dilka ah.

Marxuumka ayaa waxaa weerar ku qaaday xili uu ku sugnaa goobtiisa shaqada koox isugu jirtay rag dumar la sheegay in ay gubeen  meydkiisa. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]