3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 24, 2018
Taliyihii qaybta Booliska gobolka Nugaal oo xilkii laga qaaday iyo mid kale oo la magacaabay

 

Isniin, September, 24, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto goor dhow ka soo baxday xafiiskiisa wuxuu xilka ka qaaday taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal, G/sare Faarax Galangooli.

Wareegtada waxaa kaloo lugu magacaabay taliyaha xasilinta gobolka Nugaal, waxaa xilka qabanaya Sareeye Guuto Muxuyadiin Axmed Muuse.

Muuse oo horey u ahaa madaxa la-dagaallanka arga-gixisada iyo mukhaadaraadka , ayaa sidoo kale si kumeelgaar ah u qabanaya xilka taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal, sida ku cad wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa isbadalka amniga ku sameeyay hay’adaha amniga gobolka Nugaal, xilli saacado ka hor uu xilkii ka qaaday guddoomiyaha gobolka Nugaal.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online













Click here
9/24/2018 3:51 PM EST
Isniin, September, 24, 2018 (HOL)– Xaflad si weyn loo soo agaasimay laguna taageerayey Siyaasiga Gen Maxamed Axmed Jaamac Shaale oo ah musharax Madaxweyne doorashada Puntland ee 2019,ayaa xalay lagu qabtay London ee caasimada UK,

9/24/2018 3:19 PM EST
Isniin, September, 24, 2018 (HOL)–Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan militari ka helaya kuwa howlgalka AMISOM ayaa dilay 35 ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab kaddib dagaal xoogan oo xalay ku dhaxmaray degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.

9/24/2018 3:00 PM EST
Isniin, September, 24, 2018 (HOL)– Xulka Kubadda Cagta degmada Waaberi ayaa ku guuleystay cayaarihii degmooyinka Gobolka Banaadir kadib markii ay 1-0 ku garaaceen dhigooda degmada Shibis.

9/24/2018 2:50 PM EST
Isniin, September, 24, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto ku soo wareejiyey Shaybaadhka Shiidaalka Haamaha Berbera oo markii hore ganacsato gaar ah maamuli jireen.

9/24/2018 10:44 AM EST
Isniin, September, 24, 2018 (HOL)– Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yasiiroow oo markii ugu horeysay ka hadlay dhacadadii lagu dilay kaddib-na dabka lagu qabsiiyay marxuum Axmed Mukhtaar {Axmed Dowlo] ayaa sheegay in ay jiraan xildhibaanno iyo mas’uuliyiin u olaleynaya sii deynta kooxdii geysatay falka dilka ah.

9/24/2018 9:06 AM EST
Isniin, September, 24, 2018 (HOL)– Wasiirka galinkii dambe ee Axaddii shalay loo magacaabay wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada Puntland, Saleebaan Xaaji Cabdalle Sardheeye ayaa maanta xilka si rasmi ah loogu dhaariyay, kaddib markii uu xilka iska casilay Cali Cabdullaahi Warsame.

9/24/2018 8:54 AM EST
Isniin, September,24,2018 (HOL)–Dabley hubeysay ayaa toogasho ku dilay askari ka tirsan ciidanka madaxtooyada Puntland, labo qof oo kalana dhawaacay, Isniinta maanta ah, sida ay saraakiisha u xaqiijiyeen Hiiraan Online.

9/24/2018 8:36 AM EST
Isniin, September, 24, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xilka ka qaaday guddoomiyaha gobolka Nugaal, sida ku cad wareegto goor dhow ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland oo guddoomiye cusub loogu magacaabay gobolka Nugaal.

9/24/2018 6:01 AM EST
Isniin, September, 24, 2018 (HOL)– Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya C/rashiid Maxamed Axmed ayaa ayaa Qoraal uu ku saxixnaa waxaa shaqadii xoghayaha wasaaradda looga joojiyaya Jamaal Qaasim Mursal.

9/24/2018 1:50 AM EST
Isniin, September, 24, 2018 (HOL)–Waxaa mar kale dib u dhac ku yimid shir uu ku baaqay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku baaqay, kaa oo qorshuhu ahaa in maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 24ka bishan in uu magaalada Muqdisho uga furmo madaxda dowlad gobolleedka Galmudug.

9/24/2018 1:15 AM EST
Isniin, September, 24, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay degmada weerar culus ku qaadeen xoogag ka tirsan Al-shabaab.

9/24/2018 1:03 AM EST
Isniin, September, 24, 2018 (HOL)-Markab samatobixinta ka shaqaynayay oo ka hawlgalayay badda Mediterranean-ka ayaa diiwaan galintii lagala laabtay, arrintaas oo carqaladaynaysa hawlihii samato bixinta ee uu mustaqbalka fulin lahaa.

9/24/2018 12:51 AM EST
Isniin, September, 24, 2018 (HOL) - Waxaa si rasmi ah albaabada loogu laabay xabsigii ugu weynaa gobolka Ismaamulka Soomaalida ee Jeel Ogaadeeniya oo muddo dheer ay ku xirnaayeen maxaabiis loo heystay arrimo siyaasadeed haba ugu badnaadeen dadka iyagu taageera Ururrada mucaaradka Itoobiya sida ONLF.