4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 24, 2018
Wasiirka loo magacaabay wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada Puntland oo xilka loo dhaariyay

 

Isniin, September, 24, 2018 (HOL)– Wasiirka galinkii dambe ee Axaddii shalay loo magacaabay wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada Puntland, Saleebaan Xaaji Cabdalle Sardheeye ayaa maanta xilka si rasmi ah loogu dhaariyay, kaddib markii uu xilka iska casilay Cali Cabdullaahi Warsame.

Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta madaxtooyada magaalada Boosaaso ayaa wasiirka lugu dhaariyay, iyadoo uu goob-joog ahaa madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas.

Cabdiweli , ayaa kula dardarmay wasiirka cusub ee wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada in si daacad nimo leh uu ugu adeego shacabka, si xilkasnimo lehna uguto waajibaadkiisa shaqo, waxaa kalo uu madaxweynaha Puntland u sheegay wasiirka cusub in uu ka dhawr-soonaado wax walba oo shaqadiisa hakad gelinaya.

Saleebaan Xaaji , wasiirka cusub ee deegaanka iyo isbedelka cimilada oo xilkan qabanaya, iyadoo muddo ka yar afar bilood ay ka dhimantahay xil heynta xukuumadda talada heysa ee Puntland ayaa dhankiisa ballanqaaday si hufan inuu ugu adeegi doono dowladda iyo shacabka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online