Isniin, September, 24, 2018
(HOL)– Dabley hubeysay ayaa toogasho ku dilay askari ka tirsan ciidanka
madaxtooyada Puntland, labo qof oo kalana dhawaacay, Isniinta maanta ah, sida
ay saraakiisha u xaqiijiyeen Hiiraan Online.
Weerarka ayaa ka dhacay bartamaha magaalada ganacsiga ah
ee Boosaaso , xilli ay ciidammada ku mashqulsanaayeen iibsiga aalab ay
leeyihiin gaadidka madaxtooyada, ugu yaraan labo ruux oo ku hubeysan bastoolado
ayaa weerarka fuliyay, sida ay sheegeen goobjoogayaal.
Howlgallo ay ciidammada amniga fuliyeen waxaa lugu soo
qabtay sagaal ruux oo la sheegay inay ka mid yihiin labo qof oo weerarka lugu
tuhmayo, warbaahinta looma soo bandhigin dadka la qabtay, mana jirto warbixin
ku saabsan oo laamaha amniga ay baahiyeen.
“Waxaan ku xaqiijin karaa dad lugu tuhmayo weerarka in
gacanta laamaha amniga ay ku jiraan.” ayuu yiri sarkaalkan aan ismagacaabin oo
la hadlay HOL, wuxuu inta ku daray in dadka weerarka ku dhaawacmay lugu
daweynayo isbitaallada magaalada Boosaaso.
Goobta uu weerarka ka dhacay waxaa ku dhow xarumo
dowladeed oo saldhig Booliska iyo xarunta maamulka gobolka Bari ay ka mid
yihiin, mana jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyada weerarka oo ku soo
aaday xilli magaalada Boosaaso uu booqasho ku joogo Madaxweynaha Puntland,
Cabdiweli Gaas.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online