4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 24, 2018
Wasiir shaqo joojin ku sameeyay xoghayihiisii wasaaradda

 

Isniin, September, 24, 2018 (HOL)– Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya C/rashiid Maxamed Axmed ayaa ayaa Qoraal uu ku saxixnaa waxaa shaqadii xoghayaha wasaaradda looga joojiyaya Jamaal Qaasim Mursal.

Qoraalka ka soo baxay wasiirka oo daabacay (22 September) ayaa Xoghayaha Joogtada ee shaqada laga joojiyay loogu soo jeediyay eedeymo kala duwan oo ka mid ah ku xadgudubka hanaanka shaqo iyo hab maamulka wasaaradda.

Ma’aha wasiirkii ugu horeeyay ee ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo sidan oo kale shaqo joojin ku sameeya xoghaye wasaaradeed arintaa oo marar badan dhalisay muran iyo is qab qabsi dhinaca sharciga ah iyo waliba cida awooda u leh shaqo ka joojinta iyo magacaabista intaba.

Akhriso Qoraalka shaqo ka joojinta xoghayaha :

 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]