4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 24, 2018
Al-shabaab oo xalay weeraray degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelllaha Hoose

 

Isniin, September, 24, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay degmada weerar culus ku qaadeen xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Qoryooley ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka oo saacado badan qaatay ciidamada dowladda iyo Al-shabaab isku weydaarsadeen hub culus.

Ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Qoryooley oo gacan ka helay ciidamo kale oo gurmad ah ayeey wararku sheegayaan in ay iska caabiyeen xoogagga weerarka soo qaaday oo adeegsaday hub culus.

Mas’uuliyiinta dowladda ee degmada ayaa sheegay in khasaaraha dhinacooda ka soo gaaray dagaalka uu ahaa mid kooban, laakiin ma aysan sheegin tiro dhimasho iyo dhaawac oo ka soo gaaray iska horimaadka labada dhinac.

Khasaaraha rayidka ka soo gaaray dagaalkii xalay dhacay ayaa lagu sheegay in uu gaarayo dhimashada hal qof iyo dhaawaca qof kale oo rayid ah.

Al-shabaab ayaa weerarrada ugu badan ka geysta gobolka Shabeellaha Hoose oo ay ku xooggan yihiin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]