3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 23, 2018
Warbixin --Gobolka Hiiraan oo wajahaya degenaasho la’aan maamul

 

Axad, September, 23, 2018 (HOL)–Gobolka Hiiraan ayaa xiligan u muuqda mid wajahaya saldhigasho la’aan maamul, kaddib markii madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu xalay sameeyay magacaabistiisii saddexaad ee guddoomiyaha gobolka Hiiraan muddo hal sano ah oo uu xilka hayay.

Madaxweynihii  ugu horeeyay maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa muddadii uu xilka hayay sameeyay magacaabista Labo guddoomiye oo uu yeeshay gobolka.

Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa muddo kooban kaddib markii xilka madaxweynaha loo doortay daba-yaaqadii sanadkii 2016ka u magacaabay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan isaga oo xilka ka qaaday Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, laakiin dhowr bilood kaddib ayuu  xilka ka qaaday Cali Jeyte Cismaan isaga oo ku badalay Cumar Aadan Ibraahim Baadiyoow oo xiligaa ahaa Duqa degmada Beledweyne.

Laakiin madaxweyne Waare ayaa bishii October sanadkii 2017dii markii xilkan loo doortay waxaa uu guddoomiyaha gobolka Hiiraan u magacaabay mar kale Cali Jeyte Cismaan isaga oo xilka ka qaaday Cumar Baadiyoow.

Laakiin dhowr bilood kaddib ismaadhaaf ka dhashay habka loo maamulayo canshuuraha gobolka ka soo xarooda waxaa xilka guddoomiyaha gobolka laga qaaaday Cali Jeyte Cismaan oo lagu badalay Cabdullaah Axmed Maalin Sufuroow, hasse ahaatee xiligaas Cali Jeyte ayaa ka biyo diiday xil ka qaadista lagu sameeyay isaga oo sheegay in loo baahan yahay ka hor inta uusan xafiiska banneynin isla xisaabtan ku aadan halka ay ku baxeen lacagihii canshuuraha ee laga qaaday gobolka muddadii uu xilka hayay.

Balse waan-waan hoose oo arintaa lagu dhameeyay kaddib ayeey u suurta-gashay Cabdullaahi Sufuroow in uu la wareego xafiiska maamulka gobolka, balse Shan Bilood kaddib ayuu xalay xafiiska faaruqay waxaana lagu badallay Yuusuf Axmed Hagar Daba-Geed oo marar badan horey xilkan u soo qabtay.

Gobolka Hiiraan ayaa ah halka dhaqaalaha ugu badan uu ka soo gallo maamulka Hirshabeelle mar la barbar dhiggo gobolka Shabeellaha Dhexe, waana tan keentay ayaa la leeyahay isbadalladan tirada badan oo ay dad badan  ku fasirayaan in ay salka ku heyso  maamulka canshuurta laga qaado gobolka oo ay isku qabtaan hadba guddoomiyaha xiligaa jooga iyo mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka Hirshabeelle.

Tusaale Cali Jeyte Cismaan ayaa markii xilka guddoomiyaha gobolka uu ka qaaday madaxweyne Waare waxaa uu ku doodday in dhamaan dhaqaalaha gobolka laga soo ururiyay muddadii uu xafiiska joogay ay ku dhaceen jeebka shaqsiyaad gaar ah oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle, iyadoo aan xitaa sida uu hadalka u dhiggay wax mishaar ah laga siin shaqaalaha iyo howlwadeennadii xiligaa ee maamulka gobolka.

Wareysi uu Hiiraan Online siiyay 21 bishii Marso ee sanadkan wasiirka maaliyada Hirshabeele Maxamed Maxamuud Cabdulle [Maxamed Dheere] oo wax laga weydiiyay arinta ku saabsan doodda ka taagan habka loo maamulo canshuurta laga qaado gobolka Hiiraan ayuu qiray in lacagtaas ay si toos ah ugu dhacdo Account –ka madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe isaga oo yiri ‘’ Markii Account -kan la furiyay Hirshabeelle ma laheyn Agaasime maaliyadeed iyo Qasnaji midna, waana tan keentay in loo baahdo in la sameeyo Account-ka madaxweyne ku-xiggeenka oo ay si toos ah lacagta ugu dhacdo, anniga-na waan la socdaa dhaqaalaha Account soo galla’’ ayu yiri Wasiirka Maaliyada.

Iyadoo laga anbaqaadayo hadalka wasiirka maaliyadda maamulka Hirshabeella ayaa la oran karaa waa halka uu ka imanaya dagaalka ugu badan la xiriira saldhigasho la’aanta maamul ee ka jirta gobolka Hiiraan.

Gobolka Shabeellaha dhexe saameyn kuma yeelan is badaladan maamul ee socda waxaana muddadii ay dhisneyd Hirshabeelle  ilaa waqtigan guddoomiye ka ah mudane Axmed Meyre Makaraan oo badallay Cali Guudlaawe oo hadda ah madaxweyne ku-xigeenka xiligan ee Hirshabeelle.

Sikasaba gudoomiyaha Shanaad ee gobolka Hiiraan Yuusuf Daba-Geed ayaan la ogeyn muddada uu ku sii nagaan doono xafiiska oo horay ay u banneeyeen ilaa afar gudoomiye gobol oo isaga ka horeysay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]













Click here
9/23/2018 3:37 PM EST
Axad, September, 23, 2018 (HOL) -Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa maanta dhagaysatay dacwad loo haysto lix ruux kuwaasoo lagu eedeeyay inay gacan siinayeen Mahad Xuseen Shiidow oo maxkamada dil toogasho ah hore ugu xukuntay.

9/23/2018 9:22 AM EST
Axad, September, 23, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hor yimid baaqii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in shir deg deg ah isugu yimadaan madaxda dowlad gobolleedka Galmudug.

9/23/2018 2:27 AM EST
Axad, September, 23, 2018 (HOL) Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada Puntland, Cali Cabdullaahi Warsame ayaa is-casilay , isagoo ku eedeeyay maamulka musuqmaasuq iyo inuu ku fashilmay himilooyinkii shacabka.

9/23/2018 1:53 AM EST
Axad, September, 23, 2018 (HOL)–Taliyaha waaxda caafimaadka ee hay’addaha nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Dr Xassan Axmed Maxamed Gacal ayaa xabsiga la dhigay sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ehelladiisa.

9/23/2018 1:36 AM EST
Axad, September, 23, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa baajiyay socdaal uu ugu anbabixi lahaa magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaa oo uu ka furmayo shirka golaha guud ee Qaramada Midoobey.

9/23/2018 1:28 AM EST
Axad, September, 23, 2018 (HOL) –Dowladda Iiraan ayaa ku eedeysay dalalka Khaliijka inay ka dambeeyeen weerar ay ku dhinteen ugu yaraan 29 qof oo askar iyo rayid isugu jira.

9/23/2018 12:44 AM EST
Axad, September, 23, 2018 (HOL) –Madaxweynaha Puntland, ayaa sheegay kooxaha al-Shabaab iyo Daacish in looga guuleysan karo markii wadajir ah ay ula dagaallamaan hay’adaha ammaanka iyo shacabka.