4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 23, 2018
Sarkaal ka tirsan hay’adda NISA oo loo xiray qarax ka dhacay gaarigiisa

 

Axad, September, 23, 2018 (HOL)–Taliyaha waaxda caafimaadka ee hay’addaha nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Dr Xassan Axmed Maxamed Gacal ayaa xabsiga la dhigay sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ehelladiisa.

Taliyaha la xiray kaddib markii sida la sheegay uu qarax ka dhashay gaari uu isaga lahaa oo xiligaa hor yaalay hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho, balse ma uusan saarneyn Dr Gacal gaariga qarxay.

Eheladiisa ayaa sheegay in ciidamada xiray ay si xun ula dhaqmeen, iyaga oo xitaa in oo diiday ayeey yiraaheen halka la geynayo.

Laamaha amniga dowladda Soomaaliya wali kama aysan hadal xariga sarkaalkan sare ee ka tirsanaa hay’adda nabadsugida, hasse ahaatee waxaa loo maleynayaa in su’aalo laga weydiin doono qaraxa ka dhashay gaarigaiisa.

Shalay oo kaliya magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay qaraxa labo gaari loogu soo xiray miinada nooca gaadiidka lagu dhajiyo, waxaana mid ka mid ah qaraxyadaa ku geeriyooday nin ay walaalo ahaayeen Prof Yaxye Sheekh Caamir oo lagu magacaabi jiray Cumar Sheekh Caamir.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]