4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 21, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo shir degdeg ah isugu yeeray madaxda Galmudug

Jimco , September, 21, 2018 (HOL) –Madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isugu yeeray madaxda dowlad-goboleedka Galmudug si loo soo afjaro xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee kasoo cusboonaaday deegaannadaas.

"Madaxweynuhu waxa uu si dhaw ula socdaa khilaafaadka siyaasadeed ee haatan ka dhex jira madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug, waxa uuna ka walaacsanyahay isku dhacyada qaar kamid ah beelaha deggan Gobolka Galguduud oo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac." ayaa lugu yiri warsaxaafadeed goor dhow ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada isku khilaafsan Galmudug in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo wax u dhimi karta geeddi socodka wada hadallada iyo nabadeynta.

"Waxaan ku rajo weynahay in dhammaan dhinacayda ay taabanayso arrintan ay muujiyaan tanaasul, biseyl siyaasadeed iyo in danta guud laga hormariyo midda gaarka ah si hore loogu sii wado dadaalladii ay horumuudka ka ahayd Dowladda Federaalka ee lagu dhammeystirayay heshiisyadii ay hore u kala saxiixdeen madaxda Galmuudg."ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Shirkan uu isugu yeeray Madaxweynaha ayaa ka furmi doona Madaxtooyada Soomaaliya  laga billaabo 24ka Sebteembar, 2018, waxaana looga wada xaajoonayaa sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed iyo colaadaha soo noqnoqday ee Galmudug.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]