4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 21, 2018
Madaxweynaha Puntland oo dhagax-dhigay terminalka garoonka diyaaradaha magaalada Badhan

Jimco , September, 21, 2018 (HOL) –Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo habeenkii saddexaad ku sugan magaalada Badhan ayaa galinkii dambe ee maanta dhagax-dhigay terminal garoonka diyaaradaha magaalada Badhan.

Cabdiweli Gaas, waxaa ku wehelinayey dhagax dhigga garoonka diyaaradaha magaalada Badhan ,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda duulista, hawada iyo garoomada Puntland Sucaad Saalax, maayreeyaha garoonka diyaaradaha  Badhan Muuse Aadan Jibriil, maamulka degmada iyo kan gobolka iyo qaar kamida golaha xukuumadda Puntland.

"Waa farxad in maanta halkaan ka dhagax dhigno terminal kii iyo xafiisyadii uu garoonka diyaaradaha ku shaqeen lahaa, garoonkana uu noqdo mid si fiican u shaqeeeya oo xayn daaban lagana ilaaliyo in ay xooluhu soo galaaan, si isku tashiya aan u sameeno Inshaa Allaahna ,waxaan rajeenaynaa waqti aan dheereyn in hawshaasi ay dhammaato." ayuu yiri madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas.

Dhinaca kale, wuxuu madaxweynaha Puntland kormeeray xarunta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, iyo Jeelka magaalada Badhan oo dhismihiisu socdo, laguna dhisay iskaa wax u qabso oo ay sameeyeen bulshada magaalada Badhan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]