4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 21, 2018
8 qof oo loo xiray dilal ka dhacay magaalada Muqdisho

Jimco , September, 21, 2018 (HOL) –Booliska Soomaaliya ayaa xiray ugu yaraan siddeed ruux oo ku eedeysan dilal kala duwan oo caasimadda Muqdisho ka dhacay 24 saac ee u dambeysay, sida ay sheegeen saraakiisha.

"Dadka la soo qabtay waxaa ka mid ah dad loo haysto dilka Aamino Xuseen Xasan oo lagu dhex dilay Jaamacadda Soomaaliya(Uniso),Mas’uul ka tirsanaa maamulka Gobolka Banaadir oo lagu dilay Agagaarka Daarta Seybiyaano iyo Ninkii Odayga ahaa ee la dilay kaddibna la gubay Garaash uu ku lahaa Xaafada Towfiiq." ayuu yiri Taliyaha Hogaanka canshuuraha ee ciidanka booliska Jeneraal Cabdullaahi Xasan Bariise  oo warbaahinta la hadlay.

Jen. Bariise wuxuu inta ku daray in dadkaasi la baarayo isla markaana la horgeyn doono maxkamadaha ku shaqada leh ciddii ay ku cadaato.

Dilalkii u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho, waxay argagax ku beeren shacabka,iyadoo baraha bulshada aad la isugula wadaagay dil shalay dhacay oo nin odey ah lugu gubey, iyo dil kale oo saacadihii hore ee Jimcaha maanta jaamacad lugu dhex dilay gabar ardayad aheyd.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]