4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 21, 2018
Madaxweynaha dalka Vietnam oo geeriyooday

Jimco , September, 21, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dalka Vietnam,Tran Dai Quang ayaa geeryooday isagoo oo ay da’diisu aheyd 91 sano,sida ay baahisay wakaaladda wararka ee ee dalka Vietnam.

Quang , ayaa u geeryooday xanuun uu muddo la jiifay, saraakiisha ayaa sheegay isbitaal milatari oo ku yaalla magaalada Hanoi oo u ku geeryooday in muddooyinkii u dambeeyay xalaadiisa lugula tacaalayay.

Arbacadii hore ayay aheyd markii u dambeysay oo goob fagaaro ah lugu arko xilligaas oo ay saraakiisha xisbiga shuuciga ah ee talada haya ay soo dhaweynayeen wafdi ka socda dowladda Shiinaha.

Tran Dai Quang , ayaa noqday madaxweynaha dalka Vietnam ee Koonfur Aasiya 2 bishii April  ee sannadkii 2016 , sidoo kale wuxuu mar dalka kasoo noqday Wasiirka Amniga Gudaha.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]