4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 21, 2018
Puntland: Suldaan lugu dilay gobolka Sanaag
AUN Suldaan Xasan Cali Jibriil
AUN Suldaan Xasan Cali Jibriil


Jimco , September, 21, 2018 (HOL) –Suldaan Xasan Cali Jibriil oo ka mid ahaa duubabka dhaqanka Puntland ayaa u geeriyooday rasaas uu furay askari ka tirsan ciidammada booliska degmada Badhan ,xilli uu ka yimid deegaanka  Hadaaftimo.

Suldaanku ayaa ku soo wajahnaa  martiqaad uu ku magacawnaa in uu u dhigo madaxweynaha Puntland iyo wafdiga uu hoggaaminayo ee habeenkii saddexaad ku sugan degmada Badhan.

"Suldaan Xasan saakay ayuu ka soo baxay deegaanka Hadaaftimo, martiqaad isaga ku magacaaban oo halka madaxdii timid iyo odayaasha uu u dhigayay ayuu rabay inuu u yimaado... isagoo maraya meel u dhaxeysa Badhan iyo Hadaaftimo ayaa dabcan meesho bar-kantarool ayay ahayd nin askari ah ayay marka xabad ka fakatey, ninka xabada marku ridey Suldaanka oo kaligii ah oo gaariga muraayadaha u dalacanyihiin ayay madaxa uga dhacday." ayuu yiri  Garaad Cabdulaahi Cali Ciid, Afhayeenka Isimada Puntland.

Garaad Ciid, wuxuu xaqiijiyay in la xiray askariga xabada ridey oo ay ciidammada amniga gacanta ku hayaan, isagoo ka tacsiyeeyay geerida allaha u naxaristo Suldaan Xasan.

Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas oo ku sugan degmada Badhan ayaa sidoo kale ka tacsiiyay geerida Suldaan Xasan "Waxaan si gaar ah ugaga tacsiyaynayaa geerida marxuunka qaraabadii eheladii, xaasaskii iyo caruurtii uu kategey, marlabaad waxaan Alle u waydiinaynaa inuu denbigiisa dhaafo kuna abaal mariyo janooyinkiisa kuwa ugu wanaagsan."ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]