4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 21, 2018
Shacabka ku dhaqan gobolka Waqooyi Bari Kenya oo loogu baaqay in ay u midoobaan Al-shabaab

 

Jimco, September, 21, 2018 (HOL) – Shacabka ku dhaqan gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa loogu baaqay in ay meel uga soo wada jeestaan dagaalka ka dhanka Ururka saldhiggiisu yahay Soomaaliya ee Al-shabaab.

Sentatorka laga soo doorto Gaarisa ayaa Yuusuf Xaaji ayaa dhalin-yarada ku guubaabiyay inay ka qeyb qaataan iska caabinta ururka Al Shabaab, si degaanka uu nabad u noqdo.

Sentatorka laga soo doorto Gaarisa ayaa Yuusuf Xaaji ayaa dhalinyarada ku guubaabiyay in ay ka qeyb qaataan iska caabinta ururka Al Shabaab, si deegaanka uu nabad u noqdo.

Gudoomiye kuxigeenka Gaarisa Cabdi Dhaqane ayaa dhalinyarada ka dalbaday in ay u midoobaan la dagaalanka Al Shabaab, wuxuuna carabka ku adkeeyay in dowladda ay ka gaabisay ilaalinta muwaadiniinta ku sugan gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya.

Safiya Cabdi oo laga soo doorto Ijara ayaa sheegtay in ciidamada booliska Kenya halka ay la dagaalami lahaayeen Al Shabaab, keliya ay hawlgal ku soo qabtaan dhalinyarada

“Ma ahan wax aan u dulqaadaneyno, qofkii dambiile ah waa in la soo qabtaa oo maxkamad la soo taagaa, aniga oo Safiya ah ayaa taageeraya” ayeey tiri xildhibaannada.

Xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab bilhii ugu danbeeyay xoojiyay weerarrda ay ka geystan deegaannada kala duwan ee gobolka Waqoyi Bari Kenya, iyaga oo dhinaca bilaabay in ay dad u kala soocaan Diimaha ay aamisan yihiin, waxaana ay mar walba beegsadaan dadka aan muslimk aheyn, taasoo loo arkay in ay tahay iska horkeen bulsho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]