4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 21, 2018
Askari lagu toogtay magaalada Muqdisho

 

Jimco, September, 21, 2018 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil koox hubeysan magaalada Muqdisho ugu geysteen subaxnimadii hore ee saakay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

Toogashadan oo ka dhacday afafka hore ee xerada ciidamada Afasiyooni  qeybta xigta degmada Xamar-Jajab ayaa waxaa fuliyay rag watay gaari yar kuwaa oo markiiba goobta ka baxsaday.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in kooxda weerarka geysatay rasaas dhowr ah ku dhufteen iyaga oo sidoo kalana ka qaatay qorrigii uu sitay askariga oo magaciisa dadka deegaanku ay ku sheegeen Mahad Gudhuu.

Ciidamo dowladda Soomaaliya oo goobta tagay ayaa bilaabay baaritanno, iyaga oo dhinaca kalana halkaa ka qaaday meydka askariga.

Dilalka Muqdisho ee lagu beegsado ciidamada dowladda waxaa sheegtay Ururrada Al-shabaab iyo Daacish oo dhowr jeer oo hore sheegatay mas’uuliyada dilal lagu fuliyay askar ka tirsan dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]