4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 21, 2018
Wasiir Bayle " Wali waxaan ku taagannahay waddadii deymaha looga cafin lahaa Soomaaliya"

Jimco , September, 21, 2018 (HOL) –Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo magaalada Nairobi kulamo kula qaatay madaxda hay'adda IMF ayaa sheegay in dowladda loo xaqiijiyay inaysan dhinac uga dhicin shuruudaha ay ku gaari karaan in deymaha laga cafiyo.

"Waxa naga go'aan oo aanan marna laga joogeyn ayaa ah in deymaha la cafiyo, si aan u gaarno dhaqaalo badan oo dalka dib ugu dhisano inan dunidda ka helno." ayuu yiri Bayle oo la hadlay BBC-da.

Wasiirka maaliyadda wuxuu inta ku daray in IMF iyo hay'adaha kale ee isha ku haya kobaca iyo maareynta dhaqaalaha inay si weyn ula dhacsanyihiin nidaamkooda maaliyadeed.

Sidoo kale, wasiirka maaliyadda wuxuu ka hadlay lacagta cusub ee la soo daabacayo oo u sheegay inay soo dhameystirmi doonto marka la helo 41 milyan, oo deeq bixiyaasha iyo waddamada saaxibka ah ay waydiisteen si lacagta loo soo daabaco.

Bangiga adduunka ayaa warbixin uu toddobadyo ka hor uga hadlay dhaqaalaha Soomaaliya, wuxuu sheegay inuu dhaqaalaha dalka uu kor u kaca  sameeyey.In kastoo uu jiro kobac dhaqaale, hadana war bixintaan ayaa sidoo kale lagu sheegay inuusan kobacaas ku filneyn yareynta saboolnimada, waxaana dhaqaalaha Soomaaliya uu wali yahay mid aan waxba looga qaban karin dhibaatooyinka isugu jira abaaraha, fatahaadaha iyo bara kaca.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]