4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 19, 2018
Madaxweynaha Puntland oo xarig-jaray Jaamacadda Maakhir ee magaalada Badhan


Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Madaxweynaha  Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galinkii dambe ee Arbacada maanta waxaa uu xarig ka jaray Jaamacadda Maakhir ee magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey munaasabada xarig-jarka Jaamacadda Maakhir guddoomiyaha Golaha wakiilkada Puntland Axmed Cali Xaashi, Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud, qaar kamida Goleyaasha Puntland iyo  maamulka Jaamacadda Maakhir.

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud oo khudbad  ka jeediyey furitaanka munaasbadda xarigjarka ayaa soo dhaweeyey horumarka uu ku tilaabsaday gobolka Sanaag, waxaa uuna suldaanku ku ammaanay madaxweynaha Puntland iyo hay'adaha kale ee maamulka horumarinta deegaanka, isagoo bulshada ugu baaqay midnimo iyo isku duubnaan.

Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo si kooban uga hadlay munaasabadda xarig-jarka Jaamacadda Maakhir  ayaa sheegay in dadaal badan ay dowladda ku bixisay hirgalinta jaamacadda iyo horumarinta gobolka, wuxuuna inta ku daray in horumarka Badhan iyo gobolka Sanaag-ba ay soconayaan cid joojin kartaana aysan jirin Isla'markaana ay  Puntland ay ka hirgalin doonto mashaariic kale oo dhinaca horumarka ah.

Jaamacadda Maakhir oo sannadkii hore laga hirgeliyey magaalada Badhan, waxaa uu  dhismeheedu ka kooban yahay ilaa toddobo qaybood , waxaana Puntland gacan ka siiyay hirgalinta dhismaha jaamacadda dowladda Kuwait ,iyadoo dhismeheeda ay hirgeliysey shirkad laga leeyahay dalka Masar oo mageceeda loo soo gaabsho CEC, mushracan fulintiisu waxa uu qaatay muddo labo sanno ah , waxana ku kacay lacag ku dhow 4 malyan oo doollar ,iyadoo hadda la dhameeystiray wajigii koowaad, sida u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan shirakadda mashruuca gacanta ku haysa.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]