4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 19, 2018
Booliska Soomaaliya oo 4 ruux u xirey dilka Deeqo Daahir oo 9 jir arday ahayd

Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Booliska Soomaaliya ayaa afar ruux u xirey dilka gabar yar oo ardayad ahayd, oo Talaaladii u geeryootay rasaas uu furey askari ka tirsan ciidanka dowladda.

Dilkan waxaa si weyn u cambaareeyay bulshada Soomaaliyeed, iyadoo baraha bulshada lugu baahiyay farrimo lugu dalbanayo si dhaqso ah dowladda inay tallaabo uga qaado cidii ka dambeysay dilka Deeqo Daahir Cali oo sagaal sanno jir ahayd,islamarkaana dhiganeysay Iskuulka Hoyga Xamar ee magaaladda Muqdisho.

"Shalay maanta maahan, waxbaan dilayaa waan cararayaa ma soconeyso, waxaan soo qabanay Afar qof oo ku eedeysan dambigaasi, waxaana dooneynaa in aan maxkamad hortaagno, marnaba uma dulqaadaneyno in qori lagu gaday canshuurta shacabka lagu laayo Ummadda Soomaaliyeed, Insha allah kuwii falkaan geeystay waa laga jeeseynayaa  dambiga ay galeyn." ayuu yiri Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas,Bashiir Cabdi Maxamed oo warbaahinta la hadlay.

Faahfaahin kama uusan bixin taliyaha booliska dadka loo soo xirey dilka gabadha yar,balse wuxuu xaqiijiyay si dhaqso ah in maxkamad loo soo taagi doono, laamaha amnigana ay ka go'antahay sidii ay cadaalad u heli lahayd Deeqo iyo dhammaan muwaadiniinta kale ee Soomaaliyeed.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]