3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 19, 2018
Shir looga hadlayay Siyaasadda Arrimaha Bulshadda oo Muqdisho kadhacay

Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Kulan wadatashi ah oo ku saabsan siyaasadda arrimaha bulshada kaasoo ay ka qeybgaleen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ,waddamada deeq bixiyaasha muslimka  ah, hay’adaha gaarka loo leeyahay, Ganacsatada Soomaaliyeed iyo ururrada Bulshada rayidka ah  ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa kulanka soo qaban-qaabiyay wasaaradaha Shaqada iyo arrimaha bulshada, Gargaarka iyo Wasaaradda Qorsheynta dowladda Soomaaliya, waxaana  su’aallo la iska weydiinayey habka loo wajahayo  sida dadka danyarta ah ee u nugul dhibaatoyinka looga samata bixin lahaa, looguna sameeyn lahaa maalgelin iyo shaqo abuur.

"Waxaan habboon in dadka dan yarta ah loo gargaaro loogana faa’iideysto inta lagu guda jira bisha Seko, islmarkaana muuhimad gaar ah ay tahay in la caawiyo dadka u nugul dhibaatooyinka." ayuu yiri ku-simaha safiirka dowladda Suudaan u fadhiya Muqdisho,Maxamned Yuusuf Ibraahim.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa  Saciid Xamsa ayaa xusay in Wasaaradda ay ka sheqeyso gargaarka iyo horumarinta dadka barkacayaasha ah, siyaasadda illaalinta bulshadana ay muhiim u tahay dadka barkacayaasha ah.

Gabgabadii, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada Soomaaliya,Saalax Axmed Jaamac  ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha ay qeyb weyn ku leeyihiin dhaqaalaha soo gala dalka, waxaana lagu qiyaasayaa lacagaha ay usoo diraan eheladooda ku nool gudaha dalka ku dhawaad labo Milyan oo dollar iyo lacago kabadan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/19/2018 6:23 PM EST
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galinkii dambe ee Arbacada maanta waxaa uu xarig ka jaray Jaamacadda Maakhir ee magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

9/19/2018 6:00 PM EST
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Booliska Soomaaliya ayaa afar ruux u xirey dilka gabar yar oo ardayad ahayd, oo Talaaladii u geeryootay rasaas uu furey askari ka tirsan ciidanka dowladda.

9/19/2018 5:44 PM EST
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Dowladda Talyaaniga ayaa ballan-qaaday inay door muuqda ku yeelan doonto dib u dhiska ciidammada xoogga dalka, si ay suragal u noqoto dib in loo helo ciidammo awood u leh sugidda amniga guud ahaan dalka.

9/19/2018 1:09 PM EST
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Dowladda Itoobiya ayaa heshiis la gaartay jabhadda ONLF ,heshiiska ayaa dhigaya in la sii wado wada-xaajoodka, laakin afhayeenka jabhadda wuxuu sheegay iney jabhaddu marnaba ka tanaasuleyn mowqifkeedi ahaa iney gooni iisu taagto.

9/19/2018 12:54 PM EST
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo gabagabeeyay doodii ku saabsaneyd xaaladda amni ee dalka gaar ahaan amniga Muqdisho.

9/19/2018 12:45 PM EST
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay duqayn lagu fuliyay degmada Saakow ee gobolka Jubbada Hoose, isla markaasna lagu dilay 12 kamid dagaalyahanada al-Shabaab, sida uu sheegay wasiirka ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta.

9/19/2018 12:16 PM EST
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada ayaa si dhaqso ah uga jawaabay mowqifka dowlad-gobolleedka Hirshabeelle uga laabatay go’aankii shirkii Kismaayo.

9/19/2018 12:05 PM EST
Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Badhan ee ee xarunta gobolka Sanaag.

9/19/2018 11:38 AM EST
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Wariye Cabdirisaaq Saacid Cismaan (Waddani) ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerar loo adeegsaday Toorey oo kooxo hubeysani ay xalay ugu geysteen magaalada Gaalkacyo.

9/19/2018 10:42 AM EST
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL)-Xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ayaa cambaareeyey socdaalka madaxweynahah Puntland ee SOomaaliya ku yimid magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, waxaanay ku tilmaameen gardaro iyo in dagaal kale ka bilaabmo deegaankaasi.

9/19/2018 8:45 AM EST
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL)–Boqolaal talaagadood ayaa lagu burburiyay degaanmo kala duwan oo gobolka Sool ka mid ah ka dib markii la sheegay in cudurka Kansarka lagu faafinayo.

9/19/2018 6:55 AM EST
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay is afgarteen iyaga iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

9/19/2018 5:48 AM EST
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) – Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in ay fuliyeen weerar xalay lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Muumin Xassan Garaad oo lagu toogtay xaafadda Xaawo Taako ee magaalada Beledweyne.

9/19/2018 3:12 AM EST
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Xulista Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka ayaa ka socota deegaannada Puntland,iyadoo xilli horaba tiro xildhibaanno ah ay soo gudbiyeen qabaa'ilada.

9/19/2018 2:16 AM EST
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Xildhibaannada golaha shacabka oo labadii maalin ee u dambeysay ka dooday amniga caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan dalka ayaa lugu wadaa inay maanta soo gabagabeeyaan doodda.

9/19/2018 1:55 AM EST
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Tartanka kubadda cagta ee toddobadyadii u dambeeyay ka socday magaalada Muqdisho ayaa la go'aamiyay xilliga la ciyaarayo kulanka kama dambeysta oo ay isugu soo hareen degmooyinka Shibis iyo Waaberi.

9/19/2018 1:14 AM EST
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL)–Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa casuumad Qaddo ah ku maamuusay fanaanadda caanka ah ee Farxiya Axmed Cadaawe(Farxiya Fiska) oo maalmo ka hor markii ugu horeysay Somaliland timid.

9/19/2018 1:12 AM EST
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Deeqo Daahir Cali oo 9 jir ahayd ayaa u geeryootay rasaas uu furey askari ka tirsan ciidanka dowladda Talaadadii shalay,waxaana qoyskeeda ay ka dalbadeen dowladda inay cadaalad hesho.

9/19/2018 12:28 AM EST
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Wada-hadallo nabadeed ayaa magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea uga furmay dowladda Itoobiya iyo jabhadda ONLF,iyadoo diirrada lugu saarayo qaababka uu noqon karo heshiis dhexmara labada dhinac, sida u xaqiijiyay wasiirka warfaafinta Itoobiya.