4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 19, 2018
Xildhibaannada golaha shacabka oo soo gabagabeeyay doodii dheeraatay ee amniga

Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo gabagabeeyay doodii ku saabsaneyd xaaladda amni ee dalka gaar ahaan amniga Muqdisho.

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ayaa waxaa soo xaadirtay 156 Xildhibaan, waxaana mar kale Xildhibaanada ay si qoto dheer uga hadleen amniga dalka iyo eedeymo ay u soo jeedinayeen Xukuumadda.

Dooda amniga oo saddex maalin socotay ayaa maanta mar kale qaar ka mid ah xildhibaannada hadalka jeediyay waxaa ay  ku eedeyeen Xukuumadda inay ku fashilantay amniga, isla markaana ay tahay in lala xisaabtamo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in tallooyinkii ay soo gudbiyeen Xildhibaannada loo gudbinayo guddiga amniga iyo guddiga difaaca ee Golaha Shacabka.

Gabagabadii, guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa faray labada guddi iney la wareegaan oo ay ka soo shaqeeyaan arrimahaan ku saabsan amniga ee xildhibaannada ay ka doodayeen labadii maalin ee la soo dhaafay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]