4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 19, 2018
Golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada oo war ka soo saaray heshiiska dowladda iyo Hirshabeelle

Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada ayaa si dhaqso ah uga jawaabay mowqifka dowlad-gobolleedka Hirshabeelle uga laabatay go’aankii shirkii Kismaayo.

War-saxaafadeed uu golaha baahiyay ayaa lugu sheegay in heshiiska Hirshabeelle iyo dowladda Federaalka aanu khuseyn Golaha, isla markaana aanu waxba ka bedeli doonin go’aankii maamul goboleedyada ka soo saareen shirkii Kismaayo.

Golaha waxaa ay ku caddeeyeen war-saxaafadeedka in Hirshabeelle u madax bannaan tahay ka tashiga iyo go’aan ka gaarista masiirka dowladeed iyo mid ummadeed,iyagoo inta ku daray in is afgaran waaga ka dhaxeeya dowlad-gobolleedyada iyo dowladda Federaalka uu ku saabsan-yahay qaddiyado waa weyn oo la xiriira amniga Guud ee Qaranka, Federaaleynta, dib u eegista Dastuurka, kheyraadka iyo awood qeybsiga dalka iyo arrimo kale.

Shir uu ka qaybgalay madaxweynaha dowlad-gobolleedka Hirshabeelle oo dhawaan ay golaha iskaashiga ku yeesheen magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay ku shaaciyeen inay xiriirka u jareen dowladda dhexe, waxaa maanta go'aanka ka laabtay madaxweynaha Hirshabeelle oo marka ku baaqay in xal wada-hadal la raadiyo si isfahan-waaga meesha looga saaro.

War-saxaafadeedka golaha inta badan ka soo baxa Xogheynta Golaha:


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]