4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 19, 2018
Madaxweynaha Puntland oo booqashadii ugu horreeysay ku gaaray gobolka Sanaag


Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Badhan ee ee xarunta gobolka Sanaag, ka hor inta uusan Badhan gaarin wuxuu ku horeeyey magaalooyinka Cawsane, Middigale, Gumar, iyo Rad.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarka ku wehelinayey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, mas'uuliyiin ka tirsan goleyaasha Puntland, xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo mas'uuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland iyo weftigiisa ayaa waxaa ay ugu horayn kormeereen barta ay yaaliin qalabka daamurka lagu saarayo waddada Ceeldaahir -Ceerigaabo oo yaal dulleedka magaalada Ceeldaahir, madaxweynaha ayaa kula kulmay halkaasi qaar kamid ah guddiga waddada iyo farsamayaqaanada wadada dhisaya, wuxuu ku ammaanay shaqo wanaag iyo hawlkarnimo.

Madaxwenaha Puntland iyo weftigiisa ayaa intaasi kaddib usoo kicitimay magaalada Badhan oo safarkiisu ku wajahnaa, iyaga oo kusoo hakaday magaalada Cowsane,halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen guddoomiyaha gobolka Sanaag, masuuliyiinta magaalada, Isimmo, nabadoono, waxgarad iyo shacabka magaalada Cawsane oo dhammantood bannaanka magaala u taagnaa soo dhoweynta Madaxweynaha iyo weftigiisa.Madaxweynaha oo lahadlay shacabka magaalada Cawsane ayaa uga mahad celiyey soo dhoweynta heerkeedu sareeyo ee ay ku qaabileen Madaxweynaha iyo weftigiisa.

Weftiga Madaxweynaha oo sii wata safarkooda shaqo ayaa gaadhay magaaladda Middigale oo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee gobolka Sanaag, Madaxweynaha iyo weftigisa aya Middigale kala kulmay soodhoweyn iyo shucuur wanaagsan , Madaxweynuhu wuxuu shacabka Middigale u aqbalay codsi ay usoo gudbiyeen oo ah in magaalada laga dhigo degmo, isla markaana waxa uu u xaqiijiyey in Middigale tahay magaalo istaraatiijig ah oo ku haboon degmo.

Sidoo kale,Madaxweynaha Puntland iyo weftigiisa uu hoggaaminayo ayaa gaadhay magaalada Gumar ee gobolka Sanaag, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyey nabadoono, masuuliyiin, waxgarad iyo shacabka magaaladaasi, Madaxweynaha ayaa magaalada Gumar kula kulmay shacab qaxootiya oo kasoo qaxay Itoobiya, kuwaasi oo ay gacanta ku hayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha  Puntland iyo shacabka magaalada. Madaxweynaha Puntland  ayaa magaalada Gumar ka dhagax dhigay Ceel biyood ay yeelan doonto magaaladaasi, waxaana uu amray Madaxweynuhu in ceel biyood kaasi loo hirgeliyo sida ugu dhakhsaha badan ee ugu macquulsan, isla markaana waxa uu Madaxweynaha iyo weftigiisa usoo gudbeen magaalada Rad, halkaasi oo ay kala kulmeen shacab aad u tira badan oo u heelanaa soo dhooweynta Madaxweynaha iyo weftigiisa.

Intaas kaddib waxaa madaxweynaha Puntland iyo wafdi la socday gaareen  magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, halkaas oo lugu soo dhaweeyay, markiiba wuxuu madaxweynaha Puntland  hoygiisa ku booqday  Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali Shire.

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali Shire ayaa kusoo dhoweeyey Madaxweynaha iyo weftigiisa degmada Badhan iyo guud ahaaba gobolka, waxaana uu xusay suldaanku in maanta ay tahay maalin tariikhi ah gashay baal dahab ah.

Waxa ugu weyn ee gobolka Sanaag ay ugu gaareen wafdiga ballaaran ee madaxweynaha Puntland uu hoggaaminayo waxaa lugu sheegay u kuurgalida xaaladda deegaannada,waxaana inta uu wafdiga jooga Badhan la filaya inay mashaaric xarig-jaraan kuwa kalana dhagax-dhigaan,iyadoo hadda ay ka socoto magaalada Badhan munaasabadda xarig-jarka Jaamacadda Maakhir oo sannadkii hore laga hirgeliyey magaalada Badhan.

Gabagabadii, booqashada madaxweynaha Puntland uu ku tagay gobolka Sanaad iyo magaalada Badhan ayaa ka dhigaysa madaxweynihii ugu horreeyay oo isagoo xil haya booqda gobolka, sidoo kale Badhan waxaa lugu xasuusta inay ahayd halka uu ololihiisa doorashada sannadkii 2014ka soo billaabay madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]