4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 19, 2018
Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyada dil xalay ka dhacay Beledweyne

 

Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) – Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in ay fuliyeen weerar xalay lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Muumin Xassan Garaad oo lagu toogtay xaafadda Xaawo Taako ee magaalada Beledweyne.

Baraha Internet-ka ayeey ku faafiyeen warka ku saabsan sheegashada in ay ka danbeeyeen dilka sarkaalka, iyaga oo sidoo kalana sheegay in ay dhaawaceen askari kale oo la socday ama ilaalo u ahaa.

Sarkaalka xalay lagu dilay magaalada Beledweyne ayaa kooxihii dilkiisa ka danbeeyay markiiba goobta ka baxsadeen, hasse ahaatee ciidamada dowladda oo howlgal sameeyay ayaa soo qab qabtay dad la tuhusan yahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]