4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 19, 2018
Puntland: Xulista Baarlamaanka cusub oo socota

Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Xulista Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka  ayaa ka socota deegaannada Puntland,iyadoo xilli horaba tiro xildhibaanno ah ay soo gudbiyeen qabaa'ilada.

Doorashada Puntland ee muddo ka yar afar bilood ay ina xigto ayaa mar kale waxaa madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa dooranaya 66 xildhibaan oo ku imaanaya nidaamka qabaa'ilka.

Bulshada iyo waxgaradka Puntland ayaa baaqyo kala duwan u mariya warbaahinta Isimadda soo xulaya xildhibaannada cusub, waxyaabaha ay si siman uga dalbanayaan odayaasha dhaqanka iyo Isimadda  waxaa ay tahay  in loo baahan yahay Xildhibaanno karti leh oo shacabka u doodi kara lana xisaabtami kara Xukuumada ama golaha fulinta.

Qaar ka mid ah Isimadda Puntland oo ku shiray magaalada Boosaaso ayaa dhankooda ballan-qaaday inay soo xulayaan Xildhibaanno ay ka fiirsadeen oo dalka iyo dadkaba wax u qaban karra.

" Waxaan u sheegaya qabaa'ilka Baarlamaanka soo xulaya oo Isimadda ay ugu horreeyaan inay xasuusnaadan guuxa badan oo shacabka ku jira, inay tusaalo ka dhigtaan dhacdooyinkii iyo wixii na soo marey oo ay soo xulaan xildhibaan ay heshiis hoose la galaan oo ah inuu mas'uuliyada loo igmadey illahay uga cabsado oo samata-bixiyo dalka iyo dadka ,doortana hoggaan wanagsan." ayuu yiri Suldaan Maxamuud Jaamac Yuusuf oo ka mid ah Isimadda Puntland.

Puntland oo la aasaasay labaatan sanno ka hor , waxaa guul-darraystay iskudayo lugu doonayay nidaamka qabaa'ilka ah in looga gudbo doorasho xor ah oo shacabka ay ka qaybqaatan, waana mid ka mid ah caqabadaha ugu weyn ee hor imaanaya xukuumadda iyo madaxweynihii ku guuleysta doorashada sannadka 2019.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]