3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 19, 2018
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta soo gabagabeynaya Dooda arrimaha Amniga

Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Xildhibaannada golaha shacabka oo labadii maalin ee u dambeysay ka dooday amniga caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan dalka ayaa lugu wadaa inay maanta soo gabagabeeyaan doodda.

Labadii maalin ee ay dooda socotey xildhibaannada ayaa si aad ah ugu dhaliilay Xukuumadda inay gabtay mas’uuliyaddii Amniga, isla markaana loo baahan yahay in xukuumadda lagula xisaabtamo.

Xildhibaannada qaar oo shalay hadal jeediyay ayaa dalbanayay in Ra’iisul Wasaaraha uu hor-yimaado Baarlamaanka, si su’aalo looga weydiiyo, waxaana arrintan aheyd mid aad xasaasi u aheyd.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa la filaya inuu soo saaro go’aan ku aadan doodii Xildhibaannada cida ay tahay in wax laga weydiiyo iyo haddii dhaliilaha iyo cabashada loo saarayo Guddi, marka ay maanta hadal jeediyaan 14 mudane.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]















Click here
9/19/2018 6:23 PM EST
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galinkii dambe ee Arbacada maanta waxaa uu xarig ka jaray Jaamacadda Maakhir ee magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

9/19/2018 6:00 PM EST
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Booliska Soomaaliya ayaa afar ruux u xirey dilka gabar yar oo ardayad ahayd, oo Talaaladii u geeryootay rasaas uu furey askari ka tirsan ciidanka dowladda.

9/19/2018 5:44 PM EST
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Dowladda Talyaaniga ayaa ballan-qaaday inay door muuqda ku yeelan doonto dib u dhiska ciidammada xoogga dalka, si ay suragal u noqoto dib in loo helo ciidammo awood u leh sugidda amniga guud ahaan dalka.

9/19/2018 5:27 PM EST
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Kulan wadatashi ah oo ku saabsan siyaasadda arrimaha bulshada kaasoo ay ka qeybgaleen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ,waddamada deeq bixiyaasha muslimka ah, hay’adaha gaarka loo leeyahay, Ganacsatada Soomaaliyeed iyo ururrada Bulshada rayidka ah ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

9/19/2018 1:09 PM EST
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Dowladda Itoobiya ayaa heshiis la gaartay jabhadda ONLF ,heshiiska ayaa dhigaya in la sii wado wada-xaajoodka, laakin afhayeenka jabhadda wuxuu sheegay iney jabhaddu marnaba ka tanaasuleyn mowqifkeedi ahaa iney gooni iisu taagto.

9/19/2018 12:54 PM EST
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo gabagabeeyay doodii ku saabsaneyd xaaladda amni ee dalka gaar ahaan amniga Muqdisho.

9/19/2018 12:45 PM EST
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay duqayn lagu fuliyay degmada Saakow ee gobolka Jubbada Hoose, isla markaasna lagu dilay 12 kamid dagaalyahanada al-Shabaab, sida uu sheegay wasiirka ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta.

9/19/2018 12:16 PM EST
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada ayaa si dhaqso ah uga jawaabay mowqifka dowlad-gobolleedka Hirshabeelle uga laabatay go’aankii shirkii Kismaayo.

9/19/2018 12:05 PM EST
Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Badhan ee ee xarunta gobolka Sanaag.

9/19/2018 11:38 AM EST
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Wariye Cabdirisaaq Saacid Cismaan (Waddani) ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerar loo adeegsaday Toorey oo kooxo hubeysani ay xalay ugu geysteen magaalada Gaalkacyo.

9/19/2018 10:42 AM EST
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL)-Xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ayaa cambaareeyey socdaalka madaxweynahah Puntland ee SOomaaliya ku yimid magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, waxaanay ku tilmaameen gardaro iyo in dagaal kale ka bilaabmo deegaankaasi.

9/19/2018 8:45 AM EST
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL)–Boqolaal talaagadood ayaa lagu burburiyay degaanmo kala duwan oo gobolka Sool ka mid ah ka dib markii la sheegay in cudurka Kansarka lagu faafinayo.

9/19/2018 6:55 AM EST
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay is afgarteen iyaga iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

9/19/2018 5:48 AM EST
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) – Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in ay fuliyeen weerar xalay lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Muumin Xassan Garaad oo lagu toogtay xaafadda Xaawo Taako ee magaalada Beledweyne.

9/19/2018 3:12 AM EST
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Xulista Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka ayaa ka socota deegaannada Puntland,iyadoo xilli horaba tiro xildhibaanno ah ay soo gudbiyeen qabaa'ilada.

9/19/2018 1:55 AM EST
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Tartanka kubadda cagta ee toddobadyadii u dambeeyay ka socday magaalada Muqdisho ayaa la go'aamiyay xilliga la ciyaarayo kulanka kama dambeysta oo ay isugu soo hareen degmooyinka Shibis iyo Waaberi.

9/19/2018 1:14 AM EST
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL)–Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa casuumad Qaddo ah ku maamuusay fanaanadda caanka ah ee Farxiya Axmed Cadaawe(Farxiya Fiska) oo maalmo ka hor markii ugu horeysay Somaliland timid.

9/19/2018 1:12 AM EST
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Deeqo Daahir Cali oo 9 jir ahayd ayaa u geeryootay rasaas uu furey askari ka tirsan ciidanka dowladda Talaadadii shalay,waxaana qoyskeeda ay ka dalbadeen dowladda inay cadaalad hesho.

9/19/2018 12:28 AM EST
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Wada-hadallo nabadeed ayaa magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea uga furmay dowladda Itoobiya iyo jabhadda ONLF,iyadoo diirrada lugu saarayo qaababka uu noqon karo heshiis dhexmara labada dhinac, sida u xaqiijiyay wasiirka warfaafinta Itoobiya.