4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 19, 2018
Cayaarta kama dambeysta tartanka degmooyinka gobolka Banaadir oo xilli habeen ah la qabanayo

Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Tartanka kubadda cagta ee  toddobadyadii u dambeeyay ka socday magaalada Muqdisho ayaa la go'aamiyay xilliga la ciyaarayo kulanka kama dambeysta oo ay isugu soo hareen degmooyinka Shibis iyo Waaberi.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho,Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow)  ayaa sheegay in habeenka Isniinta ah ee 24-ka bishan la qaban doono dhammaadka tartanka, wuxuuna inta ku daray qabsoomidda xilli habeen ah tartanka cayaaraha gobolka Banaadir inay muujinayso nabadda iyo dib u soo kabashada Caasimadda.

Sidoo kale, Eng. Yarisow ayaa sheegtay in tartankan si wanaagsan uu ku bilowday ayna rajeynayaan inuu ku soo dhammaado si xamaasad leh, maadaama ay labada degmo ee isugu soo haray ay kamid tahay degmada Waaberi oo horey tartanka ugu guulaysatay sanadkii hore.

Maalmihii u dambeysay ayaa laga warsugayay xilliga loo go'aamiyo waqtiga la ciyaarayo kulanka kama dambeysta tartanka degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana lugu go'aamiyay kulan uu guddoomiyaha gobolka Banaadir la yeeshay bahda Cayaaraha heer gobol iyo heer qaran.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]