Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) – Gudoomiyaha xisbiga
mucaaradka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa casuumad Qaddo ah ku
maamuusay fanaanadda caanka ah ee Farxiya Axmed Cadaawe(Farxiya Fiska) oo
maalmo ka hor markii ugu horeysay Somaliland timid.
“Waa dhaqanka soomaalida in la maamuuso qofka
wadanka soo siyaarta, farxiyana intaas in ka badan ayeey leedahay, dadkan reer
somaliland waxa lagu yaqaanay marti soor, Farxiyana waxaan ka dhigaynaa safiirkayaga
soomaaliya, dadkaana ka soo raadi oo waxaad tidhaahdaa yeynaan isku habsaamin
aynu isbedelka geeska la soconee idinka u baahan in laydiin hiiliyo”ayuu yidhi
Faysal Cali Waraabe.
Waxaanu intaas ku daray “Soomaaliya ayaa
maanta u baahan in loo hiiliyo sadex iyo labaatan kun oo ciidan ah ayaa jooga,
shan madaxweyne ayaa jira, Gaalkacayo ayaa qaybsan oo sidii Baarlin ah anaga
ayaana gacan siin lahayn, taas ayaanan doonnaynaa in kilalka shanaadna
hagaajino oo laga dhigo meel soomaali leedahay, xuquuqdoodana ay ka helaan
dalka Itoobiya.”
Fanaanada Caanka ah ee Fadxiyo Fisko ayaa
sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay soo dhoweynta loo sameeyey, waxayna
tidhi “Dadka halkan iskugu yimid Dhamaan fanaaniinta iyo abwaaniinta gaar
ahaan Faysal Cali Waraabe waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin, Somaliland meel
kasta oo ay joogtana waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin, ilaa hada farxada
meel aan is geeyo ayaan la ahay, maalin walbana laba kiilo ayaa igu korodha,
waanigaas naaxay oo farxadu waa qalbiga, waxaanan idin leeyahay waad mahadsan
tihiin”
Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul(Laab Saalax) oo
isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Hadaad Faysal aragtaan waa somaliland oo
lugaynaysa, hadaad faysal aragto waa shacabka oo lugaynaya, hadaad faysal
aragto waa calanka oo lugaynaya markaa casuumad ka maqan Farxiya maba jirto,
Hargeysana waa ka mudan tahay, intii ay Farxiya joogtayna waxaan shakhsiyan u
arkay inay tahay qof bulshada qaybaheeda kala duwani haday sheekh tahay iyo
haday siyaasi tahayba ay isku raacsan yihiin”
Fanaanada Fadxiyo fiska ayaa si weyn loogu soo
dhoweeyey magaaladda Hargeysa, waxaana hadda la qabanqaabinayaa bandhigyo
waaweyn inay ku qabato Hargeysa, taas oo dadku aad u xiisaynayaan inay ka
qaybgalaan.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.