4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 19, 2018
Aabbaha gabar 9 jir ah oo u geeriyootay rasaas uu furey askari oo cadaalad dalbaday
AUN, Deeqo waxaa ay ka mid ahayd ardayda fasalka 1aad ee dugsiga Hoyga Xamar
AUN, Deeqo waxaa ay ka mid ahayd ardayda fasalka 1aad ee dugsiga Hoyga Xamar

Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Deeqo Daahir Cali oo 9 jir ahayd ayaa u geeryootay rasaas uu furey askari ka tirsan ciidanka dowladda Talaadadii shalay,waxaana qoyskeeda ay ka dalbadeen dowladda inay cadaalad hesho.

"Gabadheyda waxaa ay ka mid ahayd arday uu rasaas ku furey bas ay la socdeen askari ciidanka dowladda ka tirsan,waxaana ay ku geeryootay rasaasta." ayuu yiri Daahir Cali Faarax oo ah Aabbaha dhalay Deeqo, wuxuuna inta ku daray askariga rasaaska furey inuu ka tirsanyahay ilaalada sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda.


"Rasaasta waxaa na-loo sheegay inay ka billaabatay markii askariga dilka geystay ay murmeen askari la socday gaari kale, waxay rasaasta haleeshay baska ay la socotey Deeqa iyo ardaydii kale." Daahir Cali ayaa sida u sheegay idaacadda maxalliga ah ee Dalsan.

Gabagabadii,wuxuu sheegay inaysan illaa hadda jirin cid soo qabatey askariga dilka geystay " Illaa xal loo helayo kiiska waxaan go'aan sanay inan la aasin gabadha." ayuu yiri Daahir Cali oo dowladda ka dalbaday inay si deg deg ah jawaab uga bixiso cabashada ay qabaan iyo dhibka loo geystay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]