4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 19, 2018
Itoobiya iyo ONLF oo wada-hadal uga furmay Asmara

Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Wada-hadallo nabadeed ayaa magaalada Asmara ee xarunta dalka  Eritrea uga furmay dowladda Itoobiya iyo jabhadda ONLF,iyadoo diirrada lugu saarayo qaababka uu noqon karo heshiis dhexmara labada dhinac, sida u xaqiijiyay wasiirka warfaafinta Itoobiya.

Wafdiga isku dhafka ah ee dowladda Itoobiya ku matalaya wadahadalka  waxaa hoggaaminaya wasiirka Isgaarsiinta Axmed Shide, waxaa kalo ka mid ah madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, Mustafe Cumar Cagjar iyo xubno kale oo ka tirsan mas'uuliyiinta maamulka Soomaalida.

Jabhadda ONLF waxaa wada-hadalka uga qaybgalay xubno sare oo u hoggaaminayo guddoomiyaha jabhadda ,Admiral Maxamed Cumar .


"Wadahadalka waxaa lugu gaarey is fahan guud si hore loogu sii socdo ,iyadoo dhamaan la isla dhameystiri doono qodobbada laga wada-hadalay." ayaa lugu yiri hadal kooban oo ka soo baxay jabhadda ONLF.

Wada-hadallada Itoobiya iyo ONLF ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan dowladda Itoobiya ay cafis u fidisay urarradii mucaaradka ee dowladda kasoo horjeeday isla markaasna waxaa laga saaray liiska argagixisada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]