4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 18, 2018
Baarlamaanka Soomaaliya oo maalintii labaad ka dooday amniga

Talaado, September, 18, 2018 (HOL) – Xidhibaannada baarlamaanka federaalka ayaa maalintii labaad si adag uga dooday amniga caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan dalka, iyadoo xildhibaannada hadal jeedinta lahaa ay mar kale walaac ka muujiyay xaaladda amni ee dalka.

Xildhibaannada waxaa ay ku eedeyeen xukuumadda sida aysan daacad uga ahayn xal u helida xaaladda amniga ee dalka oo ay ku tilmaameen mid saacad walba faraha ka sii baxeysa, xubno ka mid ah xildhibaannada hadalka jeediyay waxaa ay caddeeyeen inay qarka u saaranyihiin xaalad amniga darteed inay uga tageen xubinimadooda Baarlamaanka.

Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla , waxaa ay golaha hortiisa farrin ugu dirtay madaxweyne Farmaajo , waxay tiri "Mudane Madaxweyne waxaa waajib ah in halka aan doono xurnimo ku mari karo,xabsiga aan ku jirnana aan ka baxno, haddii la waayana taasi bedelkeeda aan isaga tago xildhibaannimada Baarlamaan."

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed (Xiddig) dhankiisa waxaa uu yiri "Waxaa jirtay xilli xildhibaannada ay si joogta ah u dhimanayeen, wasiiradana ay dhimanayeen"  isaga oo intaa raaciyey  "Amniga magaalada hadda waa mid la isku halayn karo, oo  meesha aan rabno ayaan ku shiri karnaa”, isaga oo ku soo gabagabeeyey “waxaan ku baaqaa in shaqooyinka ay qaban karaan dhallinyarada Soomaaliyeed loo ogolaado, lana joojiyo shaqaalaha ajnabiga ah."

Xildhibaan Axmed Mayow Cabdalla (Col.Ruush), wuxuu sheegay xukuumadda inay ku fashilantahay habka ay u maareysay amniga, isagoo inta ku daray dhaqaalaha lugu bixiyay amniga inuu ka badan-yahay qarashii ku baxay dagaalkii 77  ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

"Amniga dalku wuu fiicanyahay mana jirto xaalad qatar ah. Amniga qalalaad badan ayaa ka  jira laakin si gaar ah ayaan uga hadleynaa,  Qof walba oo xildhibaan ah waxa uu doonayaa in uu helo dantiisa gaarka ah, nin walba oo mucaarad ah waxa uu rabaa xil." ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah xildhibaannada hadalka jeediyay.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa la filaya inuu soo saaro go’aan ku aadan doodii Xildhibaanada cida ay tahay in wax laga weydiiyo iyo haddii dhaliilaha iyo cabashada loo saarayo Guddi,marka berri la soo gabagabeeyo ka doodista amniga oo ay hadal jeedin doonan 14 xildhibaan, sida u sheegay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]