3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 18, 2018
Saraakiil iyo dagaallamayaal al-Shabaab looga dilay gobolka Shabeellaha hoose

Talaado, September, 18, 2018 (HOL) –Ciidanka milateriga Soomaaliya ayaa weerar ku dilay 13 saraakiil iyo dagaalyahanno al-Shabaab ah, inta lagu jiray weerar ay ciidammada ku qaadeen inta u dhaxeysa deegaanka Jaziira illaa degmada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose.

Abaanduullaha ciidanka xoogga ,Jen. Odowaa Yuusuf Raagge oo howlgalka ka warbixiyay wuxuu sheegay ciidammada milateriga Soomaaliya inay la wareegeen deegaannada Ceel Ow Maki, Dhannaane, Gandarshe iyo Jilib-Marka oo ka wada tirsan gobolka Shabeellaha hoose, deegaannada  oo  ay muddo ku sugnaayeen al-Shabaab.

"Howlgalka wuxuu qayb ka yahay howlgal ballaaran oo aan ku dooneyno in lugu xoreeyo deegaannada ay al-Shabaab kaga suganyihiin gobolka Shabeellaha hoose." ayuu yiri Jen. Raagge oo sheegay inta uu weerarka socday inay la wareegeen gaadiid dagaal iyo hub ay lahaayeen al-Shabaab.

Howlgalka wuxuu ku soo aaday xilli dhawaan ciidammada milateriga ay la wareegeen degmada muhiimka ah ee Marka,kaddib dagaal saacado qaatey oo ay ciidammada la galeen al-Shabaab.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]














Click here
9/18/2018 2:26 PM EST
Talaado, September,18, 2018 (HOL)–Koox hubeysan ayaa caawa magaalada Beledweyne gaar ahaan xaafadda Xaawo Taako waxaa ay ku toogteen sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Muumin Xassan Garaad.

9/18/2018 1:26 PM EST
Talaado, September, 18, 2018 (HOL) – Xidhibaannada baarlamaanka federaalka ayaa maalintii labaad si adag uga dooday amniga caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan dalka, iyadoo xildhibaannada hadal jeedinta lahaa ay mar kale walaac ka muujiyay xaaladda amni ee dalka.

9/18/2018 11:36 AM EST
Talaado, September, 18, 2018 (HOL) –Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gaaray magaalada Qardho, halka oo uu ugu bilowday socdaal uu ku tagayo deegaanno ka tirsan gobolka Sanaag.

9/18/2018 6:43 AM EST
Talaado, September, 18, 2018 (HOL) – Xildhibaanno maanta ku shiray magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa sheegay in ay kalsoonidii kala noqdeen madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaanshi Carabey oo ku sugan degmada Cadaado.

9/18/2018 4:31 AM EST
Talaado, September, 18, 2018 (HOL) –Golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada dalka ayaa walaac ka muujiyay xaaladda qasan ee ka taagan dowlad-gobolleedka Galmudug,iyagoo muujiyay xaaladda ka taagan gobolka si dhow inay ula socdaan.

9/18/2018 2:27 AM EST
Talaado, September, 18, 2018 (HOL) – Xafiiska Xeer ilaalinta guud ee Puntland ayaa soo bandhigay kiisaska kufsiga ee la diiwangaliyay Puntland siddeedii bilood ee u dambeysay.

9/18/2018 2:12 AM EST
Talaado, September, 18, 2018 (HOL)–Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in xildhibaanno fadhi ku yeeshay degmada Cadaado ka qaadeen xilkii ku-xigeenka koowaad ee guddoonka baarlamaanka.

9/18/2018 1:55 AM EST
Talaado, September, 18, 2018 (HOL) –Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in diyaarad ogolaansho ka haysata dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo kaliya ka soo dagi karto, isla markaana ka duuli karto garoomada Soomaaliya.

9/18/2018 1:11 AM EST
Talaado, September, 18, 2018 (HOL) –Madaxweynaha Marekanka,Donald Trump ayaa hoos u dhigay tirada qaxootiga ee dalkiisu qaabilayo sannadka 2019 , wuxuu qorsheeyay tiro 30,000 qaxooti ah taas oo ka dhigeysa tiradii ugu yareyd ee Marekanka uu qaabilo.

9/18/2018 12:36 AM EST
Talaado, September, 18, 2018 (HOL)–War qoraal ah oo ka soo baxay Urur gobolleedka IGAD ayaa lagu sheegay in dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya ciidamo nabad ilaalin ah u dirayaan dalka Koonfurta Sudan si loo ilaaliyo hergalinta heshiiskii dhawaan dowladda iyo mucaaradka ay ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa.

9/18/2018 12:32 AM EST
Talaado, September, 18, 2018 (HOL) –Taliyaha ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee gobolka Gedo,Jen Jamaal Xasan Farey ayaa sheegay ciidammada amniga Jubbaland inay la wareegeen galinkii dambe ee Isniintii saldhig ay al-Shabaab ku diyaarinayeen weerarro ka dhan ah ciidanka Daraawiishta Jubbaland.

9/18/2018 12:01 AM EST
Talaado, September, 18, 2018 (HOL) –Suheyr Qarane Faarax oo 11 jir ah ayaa u geeryootay qaliinka gudniinka Fircooniga ah degmada Galdogob ee gobolka Mudug ,waa gabadhii saddexaad oo muddo toddobaad ah qaliinka ugu geeryooneysa gudaha Puntland.