4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 18, 2018
Golaha Iskaashiga dowlad-gobolleedyada oo dowladda Federaalka ku eedeyay inay faragelin ku heyso arrimaha ka jira Galmudug

Talaado, September, 18, 2018 (HOL) –Golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada dalka ayaa walaac ka muujiyay xaaladda qasan ee ka taagan dowlad-gobolleedka Galmudug,iyagoo muujiyay xaaladda ka taagan gobolka si dhow inay ula socdaan.

Golaha ayaa ku eedeyay dowladda dhexe ee federaalka "in dhaq-dhaqaaqyada aan wax dhisayn ee socda ay la jaan-qaadayaan baaqii madaxweyne Farmaajo ee munaasabaddii furitaanka golaha shacabka si cad  ugu ballan-qaaday Guddoomiyeyaasha Golayaasha Baarlamaanka Galmudug iyo Hirshabeelle 'in uu kala shaqeyn doono' wax uu madaxweynuhu ku sheegay 'Danta Guud'."

Waxaa kalo ay ku baaqeen golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada ' in si daahfuran loogu dul-shaqeeyo sharciyada iyo Dastuurka dowlad-gobolleedka Galmudug ay ku midoobeen'.

War-saxaafadeedka golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada ayaa sidoo kale ku baaqay in laamaha ammaanka dowladda federaalka ay si deg deg ah ku joojiyaan faraggelinta Galmudug, wixii khilaaf ah ee jirana lugu xalliyo qaab dastuuri ah.

Hoggaanka sare ee maamulka Galmudug ayaa khilaafka u dhaxeeya halkii ugu sarreeysay gaaray toddobadyadii u dambeeyay,kaddib markii Baarlamaanka dowlad-gobolleedka oo labo garab u kala jabey uu garab kasta xilka ka qaaday hoggaanka sare.

War-saxaafadeedka golaha iskaashiga dowlad-gobollleedyada:



Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]