4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 18, 2018
Oomaar "Diyaarad aan fasax wadan kama dagi karto garoomada Soomaaliya"

Talaado, September, 18, 2018 (HOL) –Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in diyaarad ogolaansho ka haysata dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo kaliya ka soo dagi karto, isla markaana ka duuli karto garoomada Soomaaliya.

Wasiir Oomaar, waxaa kalo u sheegay in dhammaan garoomada diyaaradaha ay ka dagi karaan diyaaradaha caalamiga ah ee dibadda ka imaanaya iyo kuwa gudaha, isagoo marka ka jawaabayay su'aal la xiriirtay diyaaradaha caalamiga ah kaliya inay ka dagi karaan garoonka Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho.

"Diyaarad heysata fasax, fasaxaanna waxaa bixiya dowladda dhexe waxay ka dagi karta dhammaan garoomada diyaaradaha dalka." ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada  oo isagoo Canada ku sugan la hadlay idaacadda VOA.

Gabagabadii, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya wuxuu ka hadlay shir uu magaalada  Montreal ee dalka Canada kula yeesheen hay’adda ICAO, isagoo sheegay shirka inuu daba-socdo soo wareejinta hawada Soomaaliya, oo u sheegay waqtiga in dowladda ay joojisay mashaariic dhowr ah oo ay gacanta ku heysay hay’adda ICAO, xilligana ay kala tashanayaan hay'adda sidii mashaariicda dib loogu billaabi lahaa iyo taageerro dheerad ah oo dowladda Soomaaliya laga siiyo arrimaha horumarinta maamulka hawada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]