4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 18, 2018
Puntland: Gabadhii saddexaad oo u dhimatey qaliinka gudniinka Fircooniga

Talaado, September, 18, 2018 (HOL) –Suheyr Qarane Faarax oo 11 jir ah ayaa u geeryootay qaliinka gudniinka Fircooniga ah degmada Galdogob ee gobolka Mudug  ,waa gabadhii saddexaad oo muddo toddobaad ah qaliinka ugu geeryooneysa gudaha Puntland.

Gabadha geeryootay iyo walaasheed Samsam oo 7 jir ah ayaa 17 cisho ka hor waxaa lugu sameeyay qaliinka gudniinka Fircooniga, waxaana hadda la-la tacaalaya xaaladda caafimaad ee Samsam.

Dhakhaatiirta ayaa sheegay in gabdhahaan ay khatar uga timid qalabka lagu jarjaray.

"Gabdho kale oo toddoba ka badan, da'dooduna u dhaxayso 5-8 ayey soo badbaadisay Save the Children, ka dib markii la jarjaray, waxaana iminka lagu daweynayaa isbitaallo kala duwan oo ku yaalla Goldogob iyo Beledweyne."  hay'adda Save The Children oo  ka dardaar werinaysa gabdhaha weli loo gudo qaabka fircooniga ah oo ay sheegtay in qaarkood ay u dhinteen dhibaatadaas ayaa sida ku sheegtay qoraal ka soo baxay.

Toddobaadkii hore laba gabdhood oo walaalo ah, oo 10 jir iyo 11 jir kala ahaa ay geeryooday markii lagu jarjaray tuulo ku taalla xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya ee dhinaca Puntland. Intii isbitaalka loo sii waday ayey dhinteen.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]