4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 17, 2018
Geelle iyo Afwerki oo kulan ku yeeshay magaalada Jeddah

 

Isniin, September,17, 2018 (HOL)– Wuxuu ahaa kulan la sii saadaalinayay laakiin xiiso gooni xambaarsanaa kaddib markii madaxweynayaasha dalalka Jabuuti iyo Eritrea Ismaaciil Cumar Geelle iyo Isaias Afwerki kulan ku yeesheen magaaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Geelle iyo Afwerki ayaa is gacan qaaday iyaga oo marxabeynaya, waxaana soconaya kulamo gaar gaar ah loogu kala dabqaadayo labada mas’uul si loo soo afjaro xiisada iyo muranka dhulleed ee labada dal muddo dheer-ba dhax tiilay.

Dhawaan waxaa Jabuuti tagay wafdi heer sare ah oo ka socday wadamada gobolka, waxaana wafdigaa ka mid ahaai wasiirka arrimaha dibedda ee Eritrea Osman Saalax.

Itoobiya iyo Eritrea ayaa horay iyagu si iskood ah u soo afjaray murankii dhanka xudduuda ah ee dhiigga badan uu ku daadday, waxaana la filayaa in si taa la mid ah la dhameeyo khilaafka labada dowladdood ee Jabuuti iyo Eritrea.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]