4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 17, 2018
Baarlamaanka Soomaaliya oo walaac ka muujiyay amniga Muqdisho iyo guud ahaan dalka

Isniin, September, 17, 2018 (HOL) –Golaha wakiilada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulanka labaad ee kalfadhiga afaraad ayaa  dood kulul ka yeeshay xaaladda amniga magaalada Muqdisho iyo guud ahaan tan dalka.

Kulanka oo ay ka goob-joog ahaayeen 168-Xildhibaan waxa shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka ,Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, oo ay hareer fadhiyeen guddoomiye ku-xigeennada koowaad iyo labaad.

Sidoo kale, waxaa kulanka ku sugnaa wasiirka amniga qaranka ,Maxamed Abuukar Islow oo gudanayay waajibaadkiisa xildhibaanimo, waxaana dhagihiisa ku dhacayay eedeymaha ay xildhibaannada u jeediyeen xukuumadda.

Hadalka jeedinta xildhibaannada ayaa inta badan waxaa ay ku soo bandhigeen sida aysan ugu kalsooneyn amniga Muqdisho,iyagoo xata sheegay inay ka cabsadaan ciidammada amniga.

"Amniga dalka faraha ayuu ka baxay, ra’iisul wasaaraha waxa uu ka dhammaan la’yahay handadaad uu ku hayo madaxda maamul gobolleedyada waana ku hungownay kalsoonidii aan siinay, Dawladda waxa ay ku soo aruurtay wax qabadkeedu Facebook iyo Twiter. Fadlan Raysalwasaare is casil waad fashilantay, handadaad dad laguna xukumo." ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Ganey.

Guddoomiyaha Baarlamaanka,Maxamed Mursal  ayaa markii ay dhammaatey dooda xildhibaannada, wuxuu sheegay in kulanka berri lugu sii amba-qaadayo ka doodista amniga ,marka oo ay hadal jeedin doonan xildhibaannada aan maanta qeybta ka ahayn hadal jeedinta.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]